Araweelo News Network

Washington (ANN)-Dalalka Midawga Yurub, ayaa waajahaya xaalad adag, taas oo ay suurtagal ka dhigaysa in ay isu dhiibaan siyaasada Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo xulufada uu hoggaaminayo.

ALT: Araweelo News Network

Madaxweyne Vladimir Putin iyo siyaasiga Jarmalka Gerhard Schroder, oo wada qoslaya xilligii uu ku suganaa Moscow,3 August 2022, Image Araweelo News Network.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska New-York times maalinimadii sabtida ahayd oo ku beegnayd 22 October , 2022, ayaa lagaga hadlay arrintan.

Laxidhiidha: Dalalka Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Inay Isu Dhiibaan Vladimir Putin –New York Times

Warbixintaa oo uu Qoray ninka la yidhhaado  Jason Horowtiz, oo ka faallooda arrimaha siyaasadda caalamka iyo xogaha sirta ah ( intelligence reports) ayaa ayaa cinwaan uga dhiagay warbixintiisa sidan:-

 

Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub Oo Ku Sugan xaalad jaahwareer oo ka dhalatay Sicir-bararka, sare u kaca shidaalka iyo Gaasta  Dabiiciga oo sababi karta Kacdoon Dadweyne.”

 

Taageeradii Waddamada Midowga Yurub ee ku garab istaageen Yuukreeyn (Ukraine) waxay ka dhaxleen khasaare dhaqaale xumo weyn iyo jaahwareer.

 

Ra’iisal wasaarihii Dalkii Ingriiska  Les Tras ayaa xilkii Iska casishay iyadoo xilka haysay 45 cisho keliya. Arrintaa ayaa tusaale weyn u ah jahwareerka Dhaqaale ee argagaxa leh, kaas oo ku habsaday Waddamada Midowga Yurub.

Laxidhiidha: Liz Truss Ra’iisal Wasaarihii Ugu Muddada Yaraa Taariikhda Iyo Haweenayda La Filayo In Ay La Wareegto Xilka

Dhaqaale xumada ka jirta Qaaradda Yurub waxay  ka xuntahay jahwareerka dhaqaale ee ka jira dalka Maraykanka, waxaana  Dhaqaale xumada  jirta Qaaradda Yurub lagu qiyaasay inay gaadhay 11%.

 

Sidoo kale, waxaa is casilay Ra’iisal wasaarihii Talyaaniga Mario Draghi kaddib markii ay xukuumaddiisu wax xal ah u weyday sicir- bararka iyo dhaqaale xumada dalka Talyaaniga ka jirta.

Ra’iisal wasaare Mario Draghi ayaa ka baqay kacdoon Dadweyne oo ka dhan ah xukuumaddiisa. maadaama dadweynaha dalka Talynaaigu ay aad uga cadhaysan yihiin xaladda Dhaqaale  xumo ay ku noolyihiin.

“Dhibaatada Dhaqaale xumo ee ka jirta Talyaaniga waxay la xidhiidhaa dagaalka ka socda dalka Yukreeyn” sidaa waxa yidhi Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ee is casilay Mario Draghi.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha dalka Hanguary ( Hangari) Victor Orban oo ka mid ah taageerayaasha Vladimir Putin , iyo Ra’iisal wasaarihii hore dalka Talyaaniga Selvio Berlisconi ayaa kusoo noqday Baarlamaanka. Labadooduba waxay rabaan in Qaaradda Yurub ay xulufo iyo saaxiibtinimo la yeelato Vladimir Putin  si loo badbaadiyo mustaqbalka Qaaradda Yurub.

 

Sidoo kale,  waxaa kacdoon iyo mudaharaadyo waaweyn ayaa ka jira Bariga dalka Jarmalka oo u baddan Gobollo faqiir ah.  Dadka mudaharaadya ayaa sita Waraaqo ay ku Qoran yihiin  ”  UGU HORREEYN DALKEENA JARMALKA HA LA BADBAADIYO “. Dowladda jarmalka ayaa Gobolladaa ku kabtay miisaaniyad  lacageed oo dhan 200 billion  oo dollar,  balse lacagtaasi kuma filna  inay dib usoo kabto dhaqaalaha burburay ee Gobolladaa faqriga ah ee Bariga Jarmalka.

Araweelo News Desk
Written and translated by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com