Araweelo News Network.

Riyadh(ANN)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa magaalada Riyaad kula kulmay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Jimcaha waa markii saddexaad Booqashadii ugu horreysay ee Xi uu ku tago Sacuudi Carabiya lix sano gudahood, waana safarkii saddexaad ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu cudurka COVID-19 billowday 2019.

 

Safarka ayaa horudhac u ah in dalka Sacuudiga iyo Shiinaha oo muddooyinkan soo xoogaysanayay, sidoo kale, waxa la filayaa inuu noqdo mud fura xidhiidh cusub oo Shiinaha uu la leeyahay dalalka Carabta, sida uu uu hore u sheegay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

 

labada dal waxay xaqiijiyeen xidhiidhka cusub, waxayna kala saxeexdeen heshiisyo istaraatiijiyadeed oo taxane ah, kuwaas oo uu ku jiro mid ay la galeen shirkadda weyn ee Huawei.

Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha ayaa soo saaray bayaan wadajir ah kaddib booqashadii Xi Jinping ee Boqortooyada Khaliijka oo ay ku ammaaneen doorka Sacuudiga ee xasilinta suuqyada saliidda adduunka iyo ballanqaadka iskaashiga tamarta mustaqbalka.

 

Shiinahu “waxay soo dhaweeyeen doorka Boqortooyada ee taageerada dheelitirka iyo xasiloonida suuqyada saliida adduunka, iyo sida la isku halayn karo ee dhoofinta saliidda caydhiin ee Shiinaha,” ayaa lagu yidhi bayaanka qayb ka mid ah. Shiinaha waa dalka ugu badan ee soo dhoofsada saliidda.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa sidoo kale casuumaad u fidiyay Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz si uu u booqdo Shiinaha, sida ay sheegtay TV-ga dowladda Sacuudiga ee al-Ekhbariya.

 

Booqashada Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping kaddib, shirkadda tamarta ee Saudi Aramco, ayaa ku dhawaaqday inay iskaashi la yeelan doonto Shandong Energy mashaariicda hoose ee Shiinaha, oo ay ku jiraan iskaashiga suurtagalka ah ee sifaynta isku dhafan ee alaabta batroolka iyo fursadaha kale.

 

Shandong Energy waxay sheegtay dhankeeda inay taageertay Aramco horumarinta iskaashiga ka dhexeeya hydrogen, dib-u-cusboonaysiinta iyo teknoolojiyadda qabashada kaarboonka.

Labada shirkadood ayaa sidoo kale kala saxeexday heshiis is-afgarad ah oo ay la saxeexdeen heshiisyadaa oo suurtagal ah, sida ay sheegeen, isla markaana keeni kara saliid caydhiin iyo sidoo kale heshiis ka baxsan kiimikooyinka. Shiinuhu waa dalka ugu badan ee soo dhoofsada shidaalka marka loo eego dunida kale.

 

Shirkadda isgaadhsiinta dawladda Shiinaha ee Huawei ayaa sidoo kale qalinka ku duugtay heshiis is-afgarad ah oo lagu bixinayo xisaabinta daruuraha iyo dhismooyinka tignoolajiyada sare ee magaalooyinka Sucuudiga.

Bayaanka, waxaa sidoo kale, ku jira in Sacuudigu mar kale xaqiijiyay in ay ka go’an tahay waxa loo yaqaan siyaasadda “hal dal oo Shiine ah’, kaas oo ka dhigaya heshiiska in Shiinuhu ku dalbanayo dhammaan saaxiibadiisa ganacsi ee aan si rasmi ah ugu aqoonsan Taiwan dal madax-bannaan.

 

Labada dale e Shiinaha iyo Sacuudiga labaduba waxay xaqiijiyeen muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed lagu gaadho colaadda Ukraine kaddib duulaankii Ruushka ee 24 February, kaas oo ahaa duulaan wax baddan ka beddelay siyaasadda iyo dhaqaalaha aduunka.

 

 

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Xi ayaa jimcahii la kulmay lixda xubnood ee golaha iskaashiga khaliijka, waxaana sidoo kale jiri doona shir madaxeed balaadhan oo Shiinaha iyo Carabta ah.

 

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Madaxweynaha Tunisia Kais Saied ayaa fiidnimadii Khamiista soo gaadhay magaalada Riyaad si ay uga qayb galaan shir madaxeedka. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Qatar.

 

Xi ayaa la sheegay in uu si gaar ah ula kulmay al-Sisi iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.

Khamiistii ayuu Xi la kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman. Hogaamiyayaasha ayaa ku dhawaaqay heshiisyo ku saabsan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin guriyeynta iyo tamarta, inkastoo annay bixin faahfaahin badan.

 

Balse, warbaahinta dawladda Sucuudiga ayaa hore u sheegtay in heshiisyo qiimahoodu dhan yahay $30 bilyan (€28 bilyan) la saxeexi doono inta lagu guda jiro booqashada Xi.

 

Booqashadan ayaa sidoo kale u muuqata mid isha lagu hayo meelo ka baxsan Bariga Dhexe iyo Aasiya, waxayna muujinaysaa calaamado xanbaarsan isku soo dhawaanshaha Sacuudiga ee Shiinaha, taas oo ka cadhaysiisay Washington.

 

Arbacadii, Aqalka Cad ayaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ku canaantay safarka,  “Saamaynta uu Shiinuhu isku dayayo inuu ku koro adduunka oo dhan,” ma aha “mid ku habboon ilaalinta nidaamka ku salaysan qawaaniinta caalamiga ah,” ayuu yidhi Aqalka Cad.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com