Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Shir lagu falanqaynayay Siyaasadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Magaalada Hargeysa, ayaa lasoo gebagebeeyay Khamiistii.

Labadii maalmood ee kulanku socday, ayaa lagu faaqiday sidii dib u eegis loogu samayn lahaa qaar ka mid ah hab-raacyadda iyo siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Kulankaa, waxa qaybgalay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire,Wasiirka Xidhiidhka golayaasha Maxamed Xaaji Aaden,Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Muuse Salaf, Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda, Wakiilada Somaliland ee caalamka qaarkood.

Sidoo kale, waxa kulankaa ka qaybgalay Marwo Edna Adan iyo khubaro kale iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha dibedda.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibedda Siciid Axmed Cabdikariin oo kulanka hadal ka jeediyay firitaankii ayaa sheegay in lagu faaqidayo Dokumentiyo Wasaaradu diyaarisay,si ka qeybgelayaashu fikirkooda ugu kordhiyaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Wasaaradu diyaarisay Afar Dukumeenti oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland (Somaliland Foreign policy), Xeerka shaqaalaha arrimaha dibadda Somaliland (Somaliland Foreign Service Act), Hagaha Safaradaha Dibadda ee Somaliland (Somaliland Foreign Mission Act) iyo Siyaasadda Isgaadhsiinta (Communication Act).

Edna Aadn

Marwo Edna Adan Ismaaciil oo madasha ka hadashay ayaa  dhankeeda sharaxaad ka bixisay kaalinta Wasaaraddu ugu jirto Qaranka iyo caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, iyadoo tidhi, “ waxaan u baahan nahay in dhammaan waddamada caalamka aynu dar-dargelino sannadka cusub si aynu u soo xaqiijino xuquuqda caalamka inagaga maqan”

 

“Waxaynu u baahanay labada boqol (200) ee dal ee adduunka ka jira inaynu gelino dardar dheeraad ah oo xaqii inaga maqnaa oo ah aqoonsiga, sannadkan cusub (2023) ee fooda inagu soo haya,inaynu ku soo dhacsanno, oo xaqiijinaya inay Somaliland tahay dal jira ”. Ayey tidhi Marwo Edna Aaden Ismaaciil.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shirkaasi ka hadlay ayaa ku dooday in loo baahan yahay diyaarinta qorsheyaal, istraatiijiyad iyo hal-beegyo, sannad walba lagu xisaabtamo.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa raaciyey in sababta aqoonsi loo heli waayey iyo dalalka ugu dhow aqoonsigeena jawaabahooda waa inaynu qorshe ka yeelano.

“Waxaynu u baahanay inaynu yeelano qorshe iyo istaraatijiyad, iyo hal-beegyo, sannad walba aynu ku xisaabtami karno halka aynu ka joogno. Labada Su’aalood ee ugu badnaa waxay ahaayeen maxaa laydiin ictiraafi-waayay? Yaad umaleynaysaan inay idin ictiraafayaan?”.Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Djankiisa Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadam Cilmi oo hadal ka jeediyey in khubaro kala duwan talooyin dhaxalgal ah soo jeediyeen, isla markaana waxuu ku amaanay madaxda Wasaarada Dibedda dedaaladooda.

Safiir Adan Muuse Jibril oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in wax baddan Somaliland u qabsoomeen la innagu amaano, uguna weyn tahay nabada oo dib-u-heshiisiin ku timi, maadama nabad aan dib-u-heshiisiin ku dhisnayn aanay dunnida sadexaad ka hirgelin.

Wasiir xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac oo kulanka furay ayaa sheegay in siyaasada Arrimaha Diebdda marka laga hadlayo tahay shaqo guud iyo siyaasad wadareed, maadama masuuliyada ugu weyn tahay sidii aynu Qaran caalamka ka mid ah u noqon lahayn.

Md. Cabdinaasir ayaa sheegay in muhiimadeena ugu weyn tahay sidii aynu u saxi lahayn khaladkii aynu lixdankii galnay ee sida fudud gacmaheena uuga baxday gobonimadii iyo dawladnimadii aynu haysanay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com