Katherine DhananiWashington(ANN)Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa shaaciyey in lala noqday Magacaabista Katherine Dhanani oo ah Haweenay Madaxweyne Obama u magcaabay 24 Febeury 2015, safiirka Somalia ee Maraylanka.
Haweenayda Katherine Dhanani oo ah Dublamaasiyad kasoo shaqaysay tan iyo 1990-kii, waxay ku jirtay golaha sare ee Qunsuliyadaha Maraykanka iyo sidoo kale hawlwadeenada xafiiska Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxayna magcaabista Safiirka Somalia loo magcaabay ahayd Safiirkii ugu horeeyay ee Maraykanku u magcaabo Somalia, wixii ka danbeeyay bur-burkii Somalia ee 1991-kii markii ay bur-burtay dawladii Somalia.

Katherine Dhanani, ayaa laba bilood iyo badh kadib markii la magcabay ka cudur-daaratay inay noqoto Safiirka Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay arrimo iyada u gaar ah dartood in aanay xilkaa u qabanayn sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Dhinaca kale Xafiiska Soomaaliya Qaabilsan ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay in la noqoshada Ambassador Katherine Dhanani ay la noqotay magacabaisteeda aanay ka dhignayn inay isbeddeshay siyaasaddii Maraykanka ee ku waajahnayd Soomaaliya, isla markaana Safiir cusub usoo magcaabayo Maraykanku Somalia.

Hase yeeshee xoggo dublamaasiyaasadeed oo shebada wararka ee Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in aanay arrintu sidaa ahayn, balse uu jiro walaac dhinaca amaanka ah iyo saluug ku yimi siyaasadii Maraykanka ee Somalia, taas oo lala xidhiidhiyay xalaada Somalia oo Marayknaku si weyn uga waalacsannyahay iyo xaalada dalka Yemen oo Washigton si gaar ah indhaha ugu hayso, isla markaana ka cabsiqabto inay xaalada nabadgelyadaro ee Yemen sii xumayso arrimaha mandaqada iyo gobolka geeska Afrika.

Haweenaydan oo Laba Bilood iyo dheeraad ka hor loo magcaabay Safiirka Somalia ee Maraykanka, ayaan wax cudur-daar ah la iman, balse cudur-daarkeeda waqtigan uu kusoo beegmay maalmo kadib markii Xoghayaha Maraykanka John Kerry booqasho gaaban ku tegey Muqdisho, taas oo u muuqata in siyaasadii Maraykanka ee Arrimaha Somalia wax iska beddeleen sida lagu saadaaliyay warbixin lagu faaqiday Booqashadii John Kerry ee Muqdisho 5 May 2015.
Halkan Riix oo Ka Akhri Warbixinta lagu Faaqiday oo ciwaan looga dhigay. “John Kerry. Muxuu Kala Kulmay Hoggaamiyayasha Soomaalida Booqashadii Muqdisho?

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.