Araweelo News Network.

“Maayarka Boorama, waxaan leeyahay Carruuraha waxaa Facebook hawgu qorin oo murran ha gelin caasimadda labaad “

Hargeysa(ANN)-Murran iyo weedho codbaahiyaha laysku weydaarsaday, ayaa ka dhaliyay dood murran gashay in Magaalada Burco tahay Caasimada Labaad ee Somaliland.

Dooda iyo murranka ayaa ka dhashay Munaasibad hadhimo sharafeed loo sameeyay Suldaan Daa,uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir oo kasoo jeeda saldanada ugu faca-weyn oo xilkaa loo cummaamaday kaddib markii uu Aabihii Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir geeriyooday 13 February 2021.

“Maayarka Boorama, waxaan leeyahay yaynaan murran gelin Caasimadda labaad ee Dalka in ay tahay Burco ee Caruuraha Facebook hawgu qorin waxaa.” Sidaa waxa yidhi, Suldaan Sabayse oo ka mid ah madax-dhaqameed ka hadlay halkaa.

Wuxuu fariin u diray Maayarka Boorama, isagoo leh, ma garanayo cid kugula socota sheekadaa, malaha waxay u eegtahay sheekadda murranka xeebta Woqooyiga Hargeysa.

Hase yeeshee Nin madasha kasoo booday oo codbaahiyaha si caadifadaysan u boobay, ayaa yidhi, “Hadalkaa xaal ayaan ka bixinayaa wax walaba maynagaa qaadanayna, waar Caasimada Labaad ee dalku waa Boorama, waayo hadaanan sidaa odhan beri waxay gelayaan Djibouti ayuu yidhi.