Xisbiga WADDANI Oo Baaqay Culus U Diray Taageerayaashiisa

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa u taagan doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee Xisbiga Mucaraadka ee WADDNI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Crro), ayaa khudbadii dastuuriga ahayd ee Madaxweyna ku tilmaamay mid aannu ku caddayn arrimaha doorashada Madaxtooyadda, isagoo ku tilmaamay arrintaa mala-awaal aannu mawqif cad iskaga taagin Madaxweynuhu xilliga doorashooyinku dhacyaan.

Alt: Araweelo News Network
Murrashaxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ay hareera joogan saraakiisha xisbiga, 10 May 2022, Image Araweelo News Network. Hargeysa.

Cabiraxmaan Cirro oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa ku celiyay dhawaaqa xisbigu marar hore ka dhawaajiyay ee ahaa in aannay aqbalayn in dalka laga leexiyo sida uu sheegay nidaamka geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

“Maanta dalkeena waxa ka jira dhibaatooyin baahsan, haday tahay sicir-barar, Abaaro, suuqii ugu weynaa oo gubtay, shaqa la’aan baahsan, maamul-xumo iyo daah-furaan la’aan baahsan, dimuqraadiyadii iyo xiriyatu-qawlkii aynu korinaynay oo aynu arkayno in lagu hayo dagaal meesha lagaga saarayo oo lagu curyaaminayo.”ayuu yidhi.

 Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ay saraakiisha xisbiga qaarkood hareeraha ka joogeen markii uu la hadlayay warbaahinta, waxa uu nasiibdaro iyo dhaxalxumo ku tilmaamay in Somaliland soddon sannadood kaddib ay ka werwerayso dawladnimadii casriga ahayd ee ay dhisatay oo dimuqraadiyadii iyo xorryatu-qawlkii tiir-dhexaadka u ahaa ee aynu dawladnimada ku doonaynay, ayuu yidhi, Cirro.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi khudabadii uu ka jeediyay labada golle ay shacbiga iyo danneeyayaasha Somaliland filayeen in Madaxweynuhu si cad oo aan mugdi ku jirin uga hadlo arrimaha doorashooyinka si shacbigu ugu diyaar garoobo xilliga doorasho kastaa qabsoomay oo ay ugu soo horayso doorashada Madaxtooyadda ee ku beegan 13 November 2022.

“Muuse mawqif cad iskama taagin doorashooyinka inkasta oo uu gollayaasha hortooda ka sheegay inuu qabanyo, shalay wuxuu mala awaalay, waxaan iman oo aan hadda jirin, ama iman doona oo ay suurtagal tahay in doorashooyinku dub ugu dhacaan.”

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi (Salaasadii 10 May 2022, soo saaray wuxuu ku tilmaamay talaabadii koobaad ee kala dirista guddida doorashooyinka (wareegtadii Madaxweynaha baadhista gudddia doorashooyinka), wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya Cabdiraxmaan Cirro yidhi, “Muuse wuxuu soo saaray wareegtidii koobaad ee kala dirista guddida doorashooyinka ee madaxabanaan, taas oo macneheedu yahay dalkan doorasho kama qabsoomi doonto, jadwalkii diiwaangelinta ee ay ku heshiiyeen Madaxweyneha, axsaabta qaranka iyo kommishanka doorashooyinku waan laalay keligay, diiwaangelina ma qabsoomayso.”

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Amray Baadhitaanka Guddida Doorashooyinka

Sidaa awgeed wuxuu arriintaa ku tomaamay mid muujinay in dalku qaaday jidkii digtaatooriyada iyo sharcidarada, taas oo uu sheegay in ay horseedi karto cawaaqib-xumo aannay Somaliland mahadin, “masuuliyadeeda waxa qaadi doona Muuse Biixi” ayuu raaciyay.

Murrashaxa doorashada Madaxtooyadda ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa baaq u diray taageerayaasha xisbiga, isagoo yidhi, “Dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaargaroobaan tallaabo kasta oo dalka lagu soo celinayo nidaamkii doorashooyinka, ku dhaqanka shuruucda iyo dastuurka.”

Wuxuu sheegay in axaabta mucaaradku isugu imanayaan shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan marxalada dalku galay.

“Madaxweynuhu wuxuu shalay ka sheekeeyay shax la ciyaaro, inkasta oo uu maanta god abaareed degay, shaxdu maaha wax masiir ummadeed lagu metelo, siyasaduna maaha khiyaamo, Been iyo dhagar la maleego, siyaasadu waa hoggaamin run ah oo lagu sugo nabad, xasilooni, Nollol, horrumar iyo midnimo qaran, xisbiga waddani wuuxuu u dabranyahay inuu xaqiijoyo hanka, himilada iyo hiigsiga shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.”ayuu yidhi.

Mar kale ayuu ku celiyay Cabdiraxmaan Cirro in haddii ay doorashada Madaxtooyaddu qabsoomi weydo 13 November2022, aannay xisbi ahaan u aqoonsanayn xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com