Araweelo News Network

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Hargeysa (ANN)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro), ayaa khudbad uu ka jeediyay garoonka kubbadda cagta ee xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa kadib salaaddii ciidda kaga hadlay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo Madaxweyne Siilaanyo qabsoomidooda kala qaaday toddobaadkan.

Sheekh Aadan-siiro waxa uu sheegay in sababta shacabka Somaliland u soo galeen halgankii dalka lagaga xoreeyey dawladdii milletariga ahayd ee Siyaad Barre ay ahayd inay helaan caddaalad, sidaa daraadeed loo baahan yahay in xukuumadda talada haysa xilligan aanay ka baydhin wixii xisbiyada qaranku ku heshiiyeen, haddii kale aanay dadweynuhu oggolaanayn doorasho cid gaar ah daneynayso.

“Dalkan halgan baa loo soo galay, hanti boqollaal sanno aynu soo tabcaynay ayeynu u baa’bi’innay, hablo iyo wiilal badan oo aynu jeclayn baa ku le’day, in badan baa ku naafoobay, in badan baa ku agoomoobay (halgankaa). Waxaas oo dhan waxaynu u soo galnay inaynu helno caddaalad iyo nolol ka wanaagsan noloshii hore, taasina waata ay tahay inay ogaadaan dadka talada haya, waata ay tahay inay ogaadaan inta caqliga iyo cilmiga leh ee garaneya waxa dalkan yahay,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaas ku daray, “Doorashooyinka waxaynu u doorannay (samaysannaa) in aynaan is-dilin oo aynu ku kala nabad galno. Nidaamka aynu reer galbeedka ka soo rarnay maaha nidaamkii asalka ahaa ee dalkan lagu dhaqi lahaa, waana nidaam tijaabo innagu ah oo aynaan u fulinayn sida kuwa dunida haysta ee nidaamkan ku caano maalay doonayaan, oo wax badana waynu dhexgelinay (dimuqraadiyad). Haddii aannu ka mid nahay culimada waddanka ku abuuran waxaannu nahay dad ku adag in dalkani noqdo dal jiro, dadkiisuna mustaqbal helaan.
Sidaa daraadeed, waxaannu taageersanahay in doorashooyinka la tartamo oo la illaaliyo, si aanay dalkeenna dhib badan ugu iman, markaa waxaannu leenahay waar doorashooyinka sidii lagu heshiiyey hala yeelo, waayo doorasho qof isku qiyaaso, ama xisbi isku qiyaaso ama koox wax isku og isku qiyaasaan ma dhaqeyso Somaliland.”
Sheekh Aadan, ayaa ku baaqay in la raaco wixii hore loogu heshiiyey, waxaannu yidhi; “Waxaannu leenahay wixii xisbiyadu ku heshiiyeen, ee hore loo wada ogaa, ummadduna maragga ka ahayd sidiisii ha loo daayo, haddiise wax laga beddelayo waxay u taal xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo iyagaa wada-tashi loo dhan yahay, oo aanay cidi dhan ka rarin ama cid dan gaar aha leh aanay danteeda ku fushan uga wada tashan doona, ummadduna wax kastoo lagu heshiiyo diyaar bay u tahay inay taageerto, laakiin wax kooxi wadato, wax nin dan lihi uu wato marnaba ummaddu aqbali mayso. taasi waata keentay in dadku ku qaybsamaan, waana ta keenaysa burburka, markaa waxaanu uga digeynaa Komishanka Doorashooyinka iyo inta taladu ku xidhan tahay waar wixii aad ku heshiiseen hala ilaaliyo.”
Waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda inay burburinayso xisbiyada qaranka, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu waxay u dhaqaaqday inay xisbiyada burburiso, si xisbiga ay doonaysaa u soo hadho, waxaannu leenahay waar xisbiyada khilaaf ha gelinina oo ha burburinina, ee xisbiyadu markay is-qabsadaan u caddaalad fala.”
Sidoo kale, waxa uu khubaddiisa kaga hadlay arrimaha khuseeya lixda degaan ee lagu muransan yahay doorashada iyo diiwaangelintooda.
“Arrinta waqooyigu waa mashruuc la siyaasadeed oo la doonayo in dadka timaha la iskugu xidho. Laakiin yaa isugu xidhaya dadka timaha? Xukuumadda qayb ka mid ah ayaa dan gaar ah ka leh inaan mashruuca woqooyigu dhammaan (muranka lixda goobood ee woqooyiga Hargeysa), kuwaasina waa kuwa hantidii dawladda ku isticmaalaya in khilaaf ka dhaco oo qabaa’ilku muraan, waa kuwa hantida dawladda ku isticmaalaya in qabaa’ilku is-qabsadaan, waxaannu leenahay waar ka daaya waayo fidmada woqooyigu hadday fiddo waxay gaadhaysaa Somaliland oo dhan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
“Qabaa’ilka wada deggan Waqooyiga (Hargeysa) waa dad khayr badan, way yaqaanaan waxay kala leeyihiin, way yaqaanaan siday u wada deganaan jireen, markaa waxaannu leenahay idinka oo caqligiina iyo diinta suubban ee Ilaahay (SWT) ina siiyey isticmaalaya danahiina ka tashada, oo nin dan leh oo doonaya inaad is-qabsataan ha yeelina.”
Ugu dambayn, waxa uu xukuumadda KULMIYE u soo jeediyay in la dhiso xabsi u gaar ah dumarka, maadaama jeelka ugu dhow ee lagu xidho haweenka dambi ku gala Hargeysa ama magaalo kale uu yahay xabsiga degmada Gabiley, taasoo uu xusay inay dhibaato ku tahay ehelka iyo maxaabiista haweenka ahba.