sagljettimirHargeysa(ANN)Shirkadda Daabacaadda xayaysiisyada casriga ah ee SAGALJET oo xaruntoodu tahay magaalada Hargeysa, ayaa deeq ka kooban timir ku caawiyay xarumaha kala ah Cusbitaalka Dhimirka, Xarunta Agoomaha iyo xabsiga dhexe ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Deeqda Timirta ah oo ahayd loogu talogalay in dadka jilicsani quutaan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaa gaadhsiiyay maanta goobahaa saraakiil ka tirsan shirkadda SAGALJET, kuwaas oo si gooni gooni ah ugu wareejiyey masuuliyiinta xarumahaa, waxaana Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Waaxda Dhimirka midkiiba la siiyey 30 Teneg, halka Xarunta Aggoomaha la siiyay 30 Teneg iyo Xabsiga Dhexe ee Caasimadda oo la guddoonsiiyey 40 Tanag.

 

sagaljettimir2

Madaxa Suuq-geynta Shirkadda SAGALJET Mr. Sacad Cabdi Daahir oo hoggaaminayey kooxda qaybinaysay Timirta, ayaa sheegay in deeqdaa oo kooban in goobahaa loo qaybiyo ay go’aansadeen madaxda shirkaddu, taas oo ah wixii karaankooda ah ugu talogaleen dadka madaxa ka xannuunsanaya, carruurta ku jirta xarunta Aggoomaha iyo kuwa xukumadu ku dhaceen ee ku jira Xabsiga.

sagaljettimir3
“Qofna ma doorto sida uu noqonayo, inteenna Ilaahay wax u dhiibay in inta jilicsan aynu wax ku celinnaa waa waajib la inna faray, dadkeenna ku jira cusbitaalka Dhimirka, carruurta xarunta Agoomaha iyo xabsiga Dhexe waa walaalaheen oo jilicsan oo u baahan in laga war hayo. Arrintanna ugumaanu talogalin xayeysiis iyo in SAGALJET magac ku hesho, laakiin waxaannu is nidhi haddii idinka awooddiinu inta noqotay kuwa idinka haynta badanina inay ku soo dhiirradaan oo ku baraarugaan dadkeenna baahan ee dalka ku sugan,” ayuu yidhi Sacad Cabdi Daahir.

 

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Askar iyo Madaxa Waaxda Dhimirka Mustafe Xuseen Xirsi, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shirkadda SAGALJET caawimada ay gaadhsiisay, iyagoo udu duceeyey in Ilaahay ka abaalmariyo oo u barakeeyo hantida, maadaama bisha Ramadaan ka mid tahay bilaha barakada badan oo sakada iyo sadaqadaba la aqbalo. Waxa kaloo ay ugu baaqeen ganacsatada kale inay ka war hayaan cusbitaalka iyo dadka jilicsan ee ku jira oo ay ku daydaan SAGALJET.
“Runtii niyada iyo xasuusta ayaa wax wayn ah, waxa muhiim ah sida aad noo soo xasuusateen iyadoo weliba lagu jiro waqtigii macaashka ee bisha Ramadaan oo ah xilligii laga faa’iidaysanayey ee wixii sadaqo iyo Sakaba la aqbalayey, markaa dalkeenna waxa jira dad badan oo jilicsan ha noqdaan kuwa xannuunsanaya ama kuwa baahiyaha kale qaba, waxaanna la innagu yaqaan Somaliland in ay aad ugu jajaban yihiin dadka taageerada u baahan. Waanna uga mahadnaqayaa shirkadda SAGALJET mucaawimadan ay na soo gaadhsiisay.”

Sidoo kale, Saxar-diid Muxumed oo ka mid ah hawl-wadeennada xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa isna bogaadin iyo duco ku qaabilay timirta SAGALJET oo uu isagu guddoomay, waxaannu yidhi, “Xarumaha Agoomaha ee lagu hayo carruurtu waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay ku baxayso sadaqadu, Ilaahayna innagu dhiirrigeliyey, markaa waxaan leeyahay shirkadda SAGALJET halkii aad ka soo saarteen deeqdan Ilaahay khayr ha idiinku beddelo, tallaabadanina waa ku dayasho fiican oo looga baahan yahay in ganacsatada kalena ku daydaan oo ay ka war hayaan xaruntan oo taageero badan u baahan.” Ayuu yidhi Saxardiid.
Gebagebadii Cabdi Warsame Cumar oo ka mid ah saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ayaa deeqda shirkadda SAGALJET kaga dareen celiyey, “Shirkadda SAGALJET waanu ka guddoonay 40-ka Teneg oo Timir ah oo ay ugu talagaleen walaalahooda ku xidhan xabsiga si ay ugu afuraan, waanuna ugu mahadcelinaynaa. Sidaa darteed, annaguna timirtaa waanu siinaynaa maxaabiista ay ugu deeqeen,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Taliye Cabdi Warsame Cumar.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.