Araweelo News Network

Dahabshiil MallHargeysa(ANN)Shirkadda Dahabshiil oo hormood u ah xawaaladaha lacagaha ee qaaradda Afrika, ayaa markii labaad ku wareejisay deeq lacageed oo loogu talogalay dhismaha waddo isku xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco guddi u xilsaaran maamulka dhismaha waddadaa.
Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee Dahabshiil DMT ee Xawilaadaha Lacagaha Mr. Axmed Warsame Ducaale, ayaa munaasibaddii wareejinta deeqda maalintii Sabtida ka muujiyey sida guud ahaan shirkaddaiyo guud ahaan shirkadaha kala duwan ee Dahabshiil Group ay mar walba uga qaataan kaalin muuqata dhammaan mashaariicda bulshadu isku-caawiso guud ahaan deegaanada shirkadda Dahabshiil ka hawlgalaan caalamka iyo degaannada Soomaalida.
“Shirkadda Dahabshiil ka daali mayso garab-istaagga bulsho kastoo u dhaqaaqda horumarinta noloshooda, sida helitaanka kaabayaasha waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iwm ee deegaamadooda. Shirkadda Dahabshiil waa u diyaar garabsiinta macaamiishooda meel kastoo suurtagal ah,” ayuu yidhi Mr. Warsame.
Guddoomiyaha guddiga kormeerka dhismaha waddada Hargeysa iyo Burco Mr. Cawil Yuusuf Dhiif, ayaa tilmaamay in dhammaystirka masaafo gaadhaya 150 km oo dhismaha waddada oo lagu mari jiray waqti gaadhaya 4 ilaa 5 saacadood dhismaheedu waqtigan u soo koobnaaday, oo kala badh lagu marayo safarkii.
“Qofka baabuurka ka kaxaysta Hargeysa, tusaale ahaan”, ayuu yidhi; “wuxuu ku gaadhayaa Burco laba saacadood gudahood iyadoon daal badan haleelin.”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha waddadani kor u qaadi doonto qorsheyaasha horumarineed oo ay ka faa’iideysanayaan bulshada oo dhan, isla markaana weheliyaan dhammaan bulshooyinka degan agagaarka degaamada jidku marayo.
Guddoomiyaha Guddigu waxa uu carrab-baabay in deeqdan ugu dambaysay ee shirkadda Dahabshiil ku bixiyeen dhismaha waddada oo gaadhaysa $40, 000 (afartan kun oo doollar), aanay jirin cid la barbar-dhigo taariikhda, marka laga reebo xukuumadda.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey iyo Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ugu baaqay shirkadda gaar loo leeyahay ee dalka ka shaqeysta inay ku deydaan waxtarka Dahabshiil, oo qayb ka noqdaan bixinta qaadhaanka dhismaha waddadan, kana codsaday madaxda shirkadda Dahabshiil inay sii wadaan taageerida dhismaha jidkan ilaa dhammaadkeeda.
Suldaan Xiiray waxa aad ugu duceeyey shirkadda isaga oo u rajeeyey in mulkiilayaasha iyo maamulka shirkadaha Dahabshiil Group miisaanka xasanaadka Ilaahay ugu daro.
“Waxaan codsanaynaa inaad maskaxda nagu haysaan sidoo kale sannadka dambe,” ayuu yidhi Suldaan Good.
Guddiga dhismaha waddada Hargeysa iyo Burco ee booqashada ku tegay xarunta shirkadda xawilaadaha lacagaha Dahabshiil waxa ay ka koobnaayeen Guddoomiyaha Guddiga Cawil Yuusuf Dhiif, Injineer Cabdishakuur Axmed Guuleed, Cali Fayr Xuseen oo ay wehelinayeen Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good.
Dhinaca kale, madaxda shirkadda Dahabshiil ee kulankaa goob-jooga ka ahaa ayuu ka mid ahaa madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Dahabshiil Professor Xasan Xiis.
Dhammaan odayaasha kulanka joogay ayaa ugu duceeyey shirkadda Dahabshiil waxtarka bulshadooda, kana codsaday inay sii laban-laabaan dedaalada mar walba la garab-taagan yihiin qorshayaasha bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan isku caawinayaan.
Sidoo kale, waxa shirkadda Dahabshiil hantiday maskaxda iyo quluubta dadka Soomaalida xilligii bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo shirkadaha Dahabshiil Group kaga farxiyeen goobo kala duwan oo waxbarasho iyo xarumaha lagu daryeelo agoomaha oo ay ka mid ahaayeen Ceerigaabo, Laascaanood, Baydhabo, Muqdisho, Burco, iwm.
Shirkadda Dahabshiil qaybteeda isu-diridda lacagaha waxay ka hawlgashaa in ka badan 126 dal oo caalamka ku kala yaal, taas oo door laxaad leh ka qaadatay in bulshooyinka Afrika ee qurbe-joogta ah ku xidhnaadaan oo taageeraan eheladooda ku sugan waddamadii ay u dhasheen.