Golaha Wakiilladu waa Halka aynu ka Dhutinayno
By. Eng. Khadar A. Farah
eng khadarfarah
Xubin baarlamaan waxa uu ku yimaad cod shacab (shacbiyadda amma reer ha ku mutaysto amma kalsooni kale’e). Dadkaas u coddeeyay ayuu danahooda metalaa. Dad leh dan la mid ah dantaas, ayaa iyaguna kuwooda sidaas oo kale ugu coddeeyey, sidaana waxa ku abuurmay Golaha Wakiillada.
Gole waxa loogu baahday maadaama oo xubin qudha (lab amma dhegid) ay meteli karto cid amma bulsho, balse, aanay ficil ku darista dantaas awoodi karin inay kelideed/kelidii u doodo, kuna daba taagnaato sidii ay xukuumaddu u fulin lahayd.

jaantuskakowaad
Jaantus (graph)-ka kowaad ee ku lifaaqan qoraalkani. Waa mid lagu muujinayo xidhiidhka tooska ah (direct proportional) ee ka dhaxeeya masaafada (D) iyo waqtiga (t). Waa mid ka turjumi kara xawaaraha (HOW FAST/ SPEED) aad ku soo gaadho gurigaaga marka aad soo qado doonanayso. Daqiiqadda kowaad ee aad soo dhaqaaqdo haddii aad saacadda (stop watch) aad bilowdo ilaa iyo marka aad guriga soo gaadhayso oo aad joojiso, dabadeedna adiga oo hayay masaafada aad soo goysay, waxa aad si fudud ku garan kartaa daqiiqadii amma saacaddiiba inta mitir amma kilomitir ee aad socotay.
Sidaasi si le’eg, haddii aynu halka Masaafada (D) ee xariiqqa kor u socda amma Y-AXIS ka aynu ku beddelno danaha guud ee aynu kor ku soo qeexnay, isla-markaana, xariiqa jiifa ee waqtiga (t) amma X-AXIS kana aynu ku beddelno tirada xeerarka ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu ilaa xilligii la doortay ee sannadkii 2005, waxa aynu filaynay inuu noqdo xariiq toos ah, sida ku muujisan jaantuska (sawirka) hoose ee masaafada iyo waqtiga xidhiidhinaya!!
Haddii garaafka (graph) innoo soo baxaa uu kan hoose oo kale noqdo waxa aynu ka dheehan karnaa qodobadan dhawrka ah;
1. In Golaha Wakiilladu yahay gole metela danaha shacabka doortay
2. In xeer kasta oo ay ansixiyaan uu daboolay amma wax ka taray baahi ka mid ah baahiyaha dadweynaha.
3. In habkeenna (system) dawladnimo uu yahay mid dhammaystiran (perfect system)
4. In aynu ka dheehan karno Golaha Wakiillada xawliga horumarka ee dalku ku socdo, sida (xawaaraha looga dheehan karo jaantuskan isku xidhaya waqtiga iyo masaafadda)
5. In la garan karo noocyada xeerarka horyaal waqti kasta, mid laga yimmi (past) iyo mid hadda la joogo amma taagan (present), kaasoo inoo sahlaya in aynu wax ka qorno horumarka dalku kolba halka uu marayo iyo halka uu maryey xilliyadii hore.
6. In aynu darsi karno (research) jihada horumarineed ee mustaqbalka aynu hiigsanayno iyo noocyada xeerarka aynu u baahanahay inay ka soo baxaan, kana soo unkamaan dhinacyada kala duwan ee guud ahaan qaranka Somaliland.
.
jaantuskalabaad
Guntii iyo gunaanadkii, xaqiiqada shaqsiyan waxa aan ku qeexi karnaa; ‘Maxsuulka ka soo hadha arrin amma shay marka hore lagu bilaabay fikir amma qeexid kale. Maxsuulka ka soo hadha ficil maskaxeed lala yimi oo kadib markii la dabaqay laga tegay hadba intii waayaha iyo waqtiga jiraa uu saamixi waayey.’
haddaba, jaantuskan (graph) tusaalaha ah haddii aynu waafajino xaqiiqda aynu kor ku soo sheegnay; ma qaabkaas uu hadda yahay ee xariiqa xagasha 45 degree-ga ah buu ahaanayaa, mise qaabkiisu ba wuu is beddelayaa oo xarriiq qaabab kale leh sida ka ka muuqda sawirka labaad buu noqonayaa?
Graph-ka labaad oo kale haddii xidhiidhka ka dhexeeya danta guud iyo tirada xeerarka ay golaha wakiilladu ansixiyeen uu noqdo, waxa ay ka dhigantahay in dantii guud ay tahay wax meel uun taagan (constant). Su’aasha markaas jaantuskaas laga soo dheegi karaa waxa ay tahay ”haddii xeerar intaas ba la ansixinayo, laakiinse ay dantii guud ee ummaddu meel uun taagantahay, dan caynkee ah ayey xeerarka la ansixiyaa ka turjumaan, yaase dantaas iska leh oo ay metalaan xildhibaannadu?
Jawaabta su’aashaas idinkaan idiin dhaafayaa aqristeyaal. Xalkana mar kale ayaan idinla wadaagi doonaa sida aan u arko isku beddel keeni kara isbeddel sida uu u ku iman karo ayaan idinla wadaagi, idinkuna wixii aydun ku soo daraysaan ku dara.
Macasalaama,
Eng. Khadar A. Farah,
Hargeisa Somaliland.