Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Taliyaha guud ee ciidamada milateriga Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamada Somaliland iyo Puntland uu saaka dagaal ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Boodda-Cade oo 30km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Taliyaha oo war kooban soo saaray, ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamo ka tirsan Puntlanad ay saaka soo weerareen ciidamada Somaliland oo deganaa saldhiga Boodda-cade.

Wuxuu sheegay generaal Ismaaciil Shaqalle, in dagaalkaas ay ka qabsadeen ku qabteen saddex baabuur iyo lix maxbuus dagaal oo uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dagaalka ku jiray oo magacasiisu yahay Maxamed Canjeex.