Araweelo News Network

CirroDayaxaDayaxa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo socdaal booqasho oo la xidhiidha hawlaha diiwaangelinta ku jooga deegaamada gobolka sanaag, ayaa maanta kormeer ku maray goobaha Taariikhiga ah ee Galbeedka Magaalada Ceergaabo.
Guddoomiye Cirro oo ay weheliyaan Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan saraakiil xisbiga ah iyo madaxdhaqameed kasoo jeedaa deegaanka ayaa gaadhay maanta Deegaanka caanka ah Dayaxa oo uu ku yaal Dugsiga Taariikhiga ah ee Dayaxa, isla markaana ah deegaan Beeruhu ku badan yihiin, wuxuuna halkaa ka jeediyay hadal la xidhiidha ujeedada booqashadiisa iyo waxa uu doonayo inuu qabto deegaankaa marka la gaadho doorashada aan weli la hubin xiliga ay dhacayso, balse hore loogu qorsheeyay 2017.
Cirrodayaxa2

Gudoomiya Cirro, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi sidan, “Waxa aanu taagnahay oo aanu maanta dhex-joognaa, dugsi taariikhi ah oo qiimo weyn ku leh Somaliland oo la furay sannadkii 1958kii, waa dugsigii dhaxe ee Dayaxa, waxaana aad ugu horreyn si aada ugu mahad-naqayaa odeyaasha deegaanka oo uu ugu horreeyo odeyga magaalada iyo dadka deegaanka ba, waxa aanu soo marnay goobta diiwaan-gelinta ee Dayaxa oo aad arkeyseen markii meel la dhigo laga waayey Taambuug loo dhisay, Iskuulku inta uu leeg yahay waa aynu aragnaa baaxaddiisa, dugsigani waa uu burbursan yahay oo meel laga ga jiraa maanta ma jirto, Somaliland na waxa imika ay madaxbannaanideeda la soo noqotay muddo 25 sanno ah, sannadkii 26aad ayeynu ku jirnaa, gobalka Sanaag, wuxu ahaan jiray goballada ugu ganacsiga badan Somaliland, dekado nool buu lahaan jiray oo ay wax ka soo degaan oo ay ka mid ahayd Maydh, Xiis iyo Laasqoray. Marka ganacsiga Somaliland in badan baa ku xidhan dekadaha oo ama wax ha kala soo degaan ama wax ha laga dhoofiyo bee, laakiin intii ka dambeysay intii aynu madaxbannaanida la soo noqonay in uu gadoon ahaa, mar walba na xukuumadda markaa jirto uun baa laga rabaa sinnaanta xagga horumarka goballada, haddii ay tahay horumarin, kobaca kaabeyaasha dhaqaalaha tahay iyo haddii waxbarasho iyo caafimaad ba tahay la simo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.

sidoo kale mar uu ka hadlayay Qorsheyaasha Xisbiga WADDANI ee Xarumaha Waxbarashada iyo Horumarinta Goballada Bariga, wuxuu yidhi,

“Isha Allah xukuumadda WADDANI, waxa u qorsheysan in ay gobalka dib ugu soo celiso kaabeyaashiisii dhaqaale oo ay ugu horreeyaan dekadahii uu caanka ku ahaa, kuna noolaayeen dhammaan jamhuuriyadda Somaliland, waxa u qorsheysan in xarumaha Dayaxa ay ugu horreyso ay noqdaan isha Allaahu xarrumo aqooneed sida jaamacadda Camuud haddii Illaahay ka dhigo. Waxa kale oo xisbiga WADDANI u qorsheysan in uu simo horumarka goballada Somaliland oo dhan la simo halka ay ku kala badan yihiina mooyaane halka kale na la soo gaadhsiiyo haddii Illaahay ka dhigo Isha Allah, gaar ahaan goballada bariga Somaliland oo sida aynu ka warqabno horumarinta iyo tacliintu ba ay ka hooseeyaan goballada kale ee Somaliland.

Shacbiga reer Sanaag, waxa ay degan yihiin dhul baaxad weyn oo aad u kala fog, waddooyinkiisuna cidhiidhi yihiin, halkanna waxa ay magaalada Ceerigaabo u jirtaa wax aan ka badneyn 30Km, inta aanu u soo soconayna waxa ay ahayd saacad iyo badh, waana aad garanaysaan markaa jidka dhibbaatadiisa, marka waxa aanu u baahanahay in kaabeyaasha dhaqaalaha ee ay ugu horreeyaan in wax laga qabto. Gobalkanna waa goballka ugu xoolaha badan jamhuuriyadda Somaliland, wuu u beero badnaan karaa, wuu u kheyraad badnaan karaa, marka wuxu u baahan yahay in jidad loo sameeyo oo kheyraadkaana aynu ka faa’ideysanno haddii Illaahay ka dhiggo.
CirroDayaxa3
Waxa aan halkan si gaara uga sii mahad-naqayaa dadka deegaanka oo aan lee yahay, waxa inta badan loo baahan yahay in si iskaa waxqabso ah lagu shaqeeyo oo innagu aynu wax hagaajisan karno, laba fasal haddii la hagaajiyo halkanna waxa ay noqon kartaa bilow wanaagsan, dugsi hoose ayey sii noqon kartaa oo ay ardeydu wax ku bartaan, waxaana la ii sheegayaa in uu hadda bilow yahay iskuulku, dadka deegaankuna ay dedaalayaan oo ay iskuulkii dib u bilaabeen.

Waxa aan u mahadnqayaa shacabka Somaliland, gaar ahaan shacabka Somaliland oo aan lee yahay ha la isdiiwaan-geliyo, waxa aanu halkan u nimi in aanu idin kala qeyb-qaadanno diiwaan-gelinta annaguna aan idin ku baraarujinno, waxaana loogga baahan yahay qof kasta oo xaq u leh in uu isdiiwaan-geliyo oo sharcigu u oggal yahay, diiwaan-gelinta na waxa ku xidhan horumarka deegaanada loo qaban doono.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.