Sidee Ayuu U Shaqaynayaa Aagga Cashuurraha Ka Caaggan, Maxaase Ku Jira Faa’ido ?

#Araweelo_News_Network.

“Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga si Somaliland usoo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka Caagani waxay u yihiin Somaliland xudunta isku- dhafan ee badda, ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika”

 

BERBERA, Somaliland, March 2023 – Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland ayaa laga daah-furay Aagga Cashuuraha ka Caaggan ee Berbera Economic Zone(BEZ), iyo Dekeda, kaas oo ka dhigaya Berbera in ay noqoto goob ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika.

Madaxeynaha Somaliland, Mudane Muuse Biihi Cabdi iyo Gudoomiyaha ahna Madaxa fulinta ee Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa si rasmi u furey wejigii koowaad ee Aagga ka Caagan Cashuuraha (BEZ), Munaasibadda Furitaanka ayaa waxa kasoo qayb galay marti tiro baddan iyo hay’addo caalami ah oo ay ka mid ahaayen wakiilo ka socday shirkadaha DP World la wadaaga maalgashiga Dekedda iyo Aagga Cashuuraha ka Caaggan ee British International Investment (BII), Hay’adda Horumarinta Maaliyadda ee Ingiriiska ee UK’s Development Finance Institution (DFI)
iyo Impect investor.

Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo samayn lahaa xarun ganacsi, iyada oo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay. u adeegto dhamaan wadamada Geeska Africa oo ay ku jirto Ethiopia.

Aaga Cashuuraha ka caagani waxa uu 15Km oo keliya u jiraa Dekedda waxaana uu sii racsanyahy Jidka u dhexeeya Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo isku xidha ilaa Addis Ababa,Ethiopia, kaas oo u baahan marin-badeedyo baddan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi.

Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof. Waxa uu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo usii dhex maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caaggan ee Jafza .

Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyo dhalinyarada Somaliland. Waxaa ka mid ah deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan, shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caaggan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn, oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga bahanyhay , xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysankarto.

DP World ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka shaqaynaya waxyaalo kala duwan.

 

Munaasibada oo uu hadal ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi, ayaa yidhi: “waxa weeye munaasibad kale oo Sharaf iyo Taarikhi u ah Somaliland iyo dadkeedaba marka laga yimaado furitaanki teerminalka koontaynarada ee Dekedda Berbera, Imikana Aagga Cashuuraha ka Caaggan oo loo furay ganacsiga, waxaanu hore u qaadayna talaabo kale oo muhiim ah oo ah himiladeenna ku aaddan xaqiijinta in Berbera noqoto marin-ganacsiyeed midaysan oo heer gobol ah, kaas oo fure u noqon doona koboc dhaqaale, oo lagu gaadhayo kor u kaca isku socodka ganacsiga,
maalgashiga shisheeye, iyo shaqo abuurka”.

Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna Madaxa fulinta ee Shirkadda DP World, ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Isku- xidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah arrintaas, oo Berbera ka dhigaysa – goob-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo mustaqbalkaba.

Liz Lloyd, Madaxa Shirkada British International Investment ayaa intaa ku dartay, “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu qayb ka noqono munaasibadan muhiimka ah ee lagu daah furayo Aagga Cashuraha ka Caaggan ee Berbera, kaas oo Somaliland u noqon doona dhaqaale muhiim ah, isla markaana kaalmeeya kobaca gobolka Geeska Afrika. Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la filayaa inay kor u qaaddo tayada nolosha iyo baahiyaha nolosha asaasiga in ka badan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-furnaanta badeecadaha iyo inay gacan ka gaystaan in ka badan 53,000 shaqo oo gudaha ah.”
Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyhay in ka badan 1,200 hektar waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho. Wajigii kowaad oo imika furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah, in la dhisto, kayd barxad furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada
macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah.

Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh.

Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxa uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhoofiyayaasha, soo ,dejiye-yaasha xoolaha, qalabka beeraha iyo waxyaalaha hore u xumaanaya, ,marmarka, iyo qalabka dhismaha.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com