#Araweelo_News_Nework.

 

Laascaanood(ANN)-Xaaladda Magaalada Laascaanood, ayaa deganayd todobaadkii u danbeeyay, iyadoo aannay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay, halkaas oo muddo saddex todobaad ka baddan dagaalo goo goos ah oo u dhexeeyay Ciidamadda Somaliland iyo Malaydhiyaad deegaanka oo garab ka helayay kooxo ku dhexmarayay.

Laxidhiidha: Somaliland: Urrurada Siyaasadda Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Laascaanood

Waxa maalmihii lasoo dhaafay socday kulamo labada dhinac ay la yeelanayeen Dublamaasiyiin ka socday dalalka qarbiga iyo kuwa gobolka oo ay Ethiopia ugu horayso, kuwaas oo ku baaqayay xabad joojin iyo wadahadal in lagu dhameeyo collaada dhiiga baddan ku daatay, balse dedaalada oo ay jireen warar hoose oo ka soo baxayay oo sheegayay in ciidamadda la kala qaado ilaa soddon KM, ayaa u muuqda kuwo aannay waxba kasoo naasa caddayn, isla markaana ku dhammaaday guuldaro.

Laxidhiidha: Aragtideena Siyaasaddu Hargeysa Iyo Hareereheeda Ha Dhaafto Prof. Siciid Sheekeeye

Sidoo kale, waxa jiray warar kale oo la xidhiidha arrimaha dhexdhexaadinta oo sheegayay in marka la gaadho 15 March ay dhinacyadu kulamo wadahadal ah ku yeelanayaan Addis Ababa, laakiin taas ayaa imanaysay marka ay dhacdo in si loo helo jawi lagu wadahadlo, isla markaana xabbad-joojintu u horgasho la kala qaado ciidamadda isku hor fadhiya Magaalada, taas oo aan dhinacyada ka suurta gelin.

Xukuumadda Somaliland, ayaa marar baddan ku celisay in xabbad-joojin ay hore ugu dhawaaqday Bishii hore aannay waxba iska beddelin, isla markaana dagaalada danbe ee dhacay wixii xilligaa ka daneeyay ay ahayeen kuwo iyaga lagu soo weeraray, sidaa awgeed ay weli ku jiraan ciidamadda qaranka Somaliland is difaac oo aannay ahayn kuwo weerar ah.

Hase yeeshee dhammaan dedaalada nabbada ayaa xilligan u muuqda kuwo aan waxba ka hirgelin, iyadoo xaaladda gobolka Sool hadheeyeen siyaasaddo is huwan, isla markaana Malayshiyaad ka yimi Soomaaliya, Kililka Shanaad, Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, Ciidamo ka yimi dhinac Puntland iyo kooxo kale oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay yihiin Al-shabaab, ayaa si weyn ugu soo qulqulay Magaalada dhawrkii todobaad ee u danbeeyay kuwaas oo dagaalka qayb ka ah.

Todobaadkii u danbeeyay oo aan wax dagaal ah ka dhicin Laascaanood, waxay wararku sheegayaan inuu ka jiray abaabul hoose iyo diyaar garaw, iyadoo nidaam maamul iyo tababaro la siinayo malayshiyaadka uu ka socday, sidpo kale loo qaybiyay aagag ay ka dagaal galaan si ay meelo kala duwan uga sameeyaan weeraro ku waajahan ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan halkaa.

Dhankooda Ciidanka Qaranka Somaliland, oo hore u balanqaaday inay gacanta qaranka kusoo celiyaan Magaalada Laascaanood, isla markaana soo celiyaan nidaamkii iyo kala dabnayntii magaalada, ayaa ku jira heegan sare, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo shalay warbaahinta ka hadlay sheegay in ay amaanka magaalada soo celin doonaan, isla markaana aannay jirin wax ay ka werwerayaan.

 Magaalada Laascaanood ayaa u muuqataa inay mar kale gelay jawi dagaal oo dhiig baddan ku daato, kaas oo ay suurtagal tahay inuu dib uga bilaamo saacaddaha soo spcda, waxay u muuqataa in la waayay dariiq lagu joojiyo in dhiig daato oo ay xaaladdu isu beddesho collaad balaadhan oo ay suurtagal tahay inay ku faafto gobolka geeska Afrika, marka la eego qaabka loo abbaabulayo dagaalka ee dhawaaqyada warbaahinta la marinayo iyo ficilada la samaynayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com