“Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeynkara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland”.

“Ciidamadda Huwanta Ah Ee Kasoo Tallaabay Xudduuda Caalamiga Ah Waa Inay Ka Baxaan Laascaanood” Xukuumadda Somaliland

#Araweelo_News_Network.

 

Jigjiga(ANN)-Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, ayaa si cadhaysan uga jawaabay dhawaaq kasoo baxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu baaqayay in ay Maammulka Jigjiga kala baxaan Laascaanood ciidamaooda.

Qoraalka Ismaamulka deegaanka Soomaalida Ethiopia ee xaruntiisu tahay Jigjiga, oo ka jawaabaya arrintaa ayaa yidhi, “Shir ay 9 March 2023 yeesheen Gollaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aannay jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eeddeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka DDS.

 

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad baddan ka muujisay in aannay ka jawaabin eeddeeymo iyo dacwooyin baddan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya guddaha iyo dibadda ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool, ayaa lagu yidhi.

Qotaalka ayaa la sii raaciyay, “Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeynkara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland”.

 

 

Dhinaca kale, Qodobada kasoo baxay shirka gollaha wasiirrada xukuumadda Somaliland Khamiistii oo lagaga hadlay arrinta Laascaanood, isla markanaa ay ka jaawaabtay xukuumadda Maamul goboleedka Ethiopia ee Kililka Shanaaad ayaa ahaa kuwan.

1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad baddeed ahi.

2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladduhu u soo Tababareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wadahadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

4) Golluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

5) Golluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com