Araweelo News Network.

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya #Raila@Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad

Nairobi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf uu xalay u sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, isla markaana ah siyaasi caan oo kasoo jeeda qoys taariikh weyn ku leh siyaasada dalka Kanya iyo dalalka geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale, waxaan munaasibada casha sharafta ee uu sameeyay Odinga kala qaybgalay Madaxweyhe Biixi Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Kenya.

Alt, Araweelo News Network

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya Raila Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad Nairobi Kenya 14 December 2020, Araweelo News Network.

Munaasibada waxa laga jeediyay khudbado, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyay Siyaasiga ruug-cadaaga ah ee  Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Muuqaalka munaasibada iyo khudbadihii laga jeediyay halkan ka daawo.