Araweelo News Network.

Wefdiga Wasiir Dr. Kayd oo kulamo muhiim ah la yeeshay xildhibaano Canada Ah iyo Jaaliyadda Somaliland

Ottawa(ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud (Raagsaale), ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Canada iyo Jaaliyada Somalilad ee ku dhaqan dalkaa.

Wasiirka oo ay weheliyaan wefti heer sare ah oo u hoggaaminayo, ayaa todobaadyadii u danbeeyay u kala gooshayay dalalka Woqooyiga Ameerika iyo Yusub.

 Dr. Ciise Kayd, wuxuu magaalada Ottawa ee dalka Canada kulamo kula yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Canada ee saaxiibada Somaliland iyo   jaaliyadda qurbajooga Somaliland eek u dhaqan dalka Canada.

ALT: Araweelo News Network
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud (Raagsaale), oo ka hadlaya kulanka Canada, Image Araweelo News Network.

Wasiir Kayd, wuxuu ka waramay ujeeddada safarkiisa iyo Weftigiisa oo bishii u dambaysay hoggaaminayay oo safarro diblumaasiyadeed ku galaa-bixinayayay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

 Sidaa awgeed, wuxuu sheegay In ujeeddada safarkooda Canada qayb ka tahay dedaallada lagu iibinayo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayay waajibaadka shaqadeedu  tahay ka shaqaynta xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland doonay in ay la yeelato dunida iyo xoojinta dalalka ay xidhiidhka hore ula lahayd.

ALT:Araweelo News Network
Mid ka mid ah xildhibaanada Canada oo ka qaybgalay kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud (Raagsaale), iyo jaaliyadda Canada ee Somaliland, Ottawa, Image Araweelo News Network.

Wasiir Kayd oo dhowaan xilkaa loo magcaabay, wuxuu safarkiisu noqonayaa kii ugu horeeyay ee bilawga u noqda hawlaha waaweyn ee laga sugayo.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa ka mid ah wefdiga wasiirka.

Wasiir Kayd iyo Marwo Adna, ayaa  hore Magaalada Washington kulamo ugula yeeshay diblumaasiyiin Maraykan ah oo u ololeeya qadiyadda madax-banaanida Somaliland, sidoo kale-na waxay Magaalada New York kulan kulan yeesheen xubno ka mid ah Gollaha ammaanka Qaramada Midoobay, ka dib markii ay marti-qaad ka heleen, balse natiijada kulamadaa ayaan la shaacin.

Weftiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, ayaa la filayaa inay 9-ka bishan magaalada Washington kaga qayb-galaan shir uu Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden soo qaban-qaabiyay.

Shirkaa, ayaa lagaga hadlayaa horumarinta Dimuqraadiyadda isla-markaana, waxaa lagu casuumay Madaxda illaa 100 Dawladood oo ka mid ah dalalka Nidaamka Dimuqraadiyada ku dhaqma oo  Somaliland ka mid tahay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com