Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Gollaha Wasiirrada dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay xaaladda doorashada ee qasan, cabsida suuqa Bakaaraha ee soo waajahday ganacsatada iyo Ciidamadda loo daabulay Beledweyne.

Shirka gollaha wasiirrada oo lagaga hadlay arrimaaha iyo kuwo kale, waxa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka yeedhiyay gebagebadii shirka go’aamo.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxaa warbixin ku saabsan xaaladda magaalada Beledweyne ka jeediyay wasiirada amniga iyo gaashaandhigga

Labada Wasiir ayaa gollaha wasiirada la wadaagay in cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga iyo Booliska la geeyay magaalada Beledweyne, iyadoo aan lagu wargalin Wasiirada shaqada ku leh xilli ay magaaladaa ka taagan tahay Xiisad siyaasadeed oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa dhankiisa warbixin ka siiyay xubnaha gollaha wasiirrada Wadahadal la xidhiidha arinta Baladwayne oo uu khadka taleefanka kula yeeshayMadaxwaynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Gobalka Hiiraan, balse qoraalka laguma xusin waxa kasoo baxay wadahadlka Rooble la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Hirshabeelle.

Hase yeeshee dood iyo falanqayn kaddib Golluhu wuxuu isla gaatay Qodobadan, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Gollaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidamadda la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsaha baddan looga soo saaro, isla markaana lagu celiyo xeryahoodii, waxaana la faray Wasiirada iyo Taliyayaasha amniga in aan Ciidamadda Qaranka loo isticmaalin, laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda, taas bedelkeedana lagu koobo shaqadooda ah sugidda Amniga.”

Raiisal wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah, kuwaas oo Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqaynaya sidii loo dejin lahaa Xiisadda, isla markaana xal loogu heli lahaa Khilaafka taagan.

Gollaha Wasiiradu waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo Shacabka Magaalada Beledweyne in ay muujiyaan deganaan, Lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Guddaha.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com