Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Guddida doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa yeeshay kulan ay wax iskaga weydiinayaan hawlaha doorashada ee horyaal.

Alt: Araweelo News
Guddida Doorashada Madaxweynaha Somalia, Image file Araweelo News Network, 6 May 2022.

Guddida oo guddoomiye u doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa soo saaray jadwelka doorashada Madaxweynaha, taas oo ay u muddeeyeen 15 May 2022.

Kulanka maanta ayay kaga wadahadleen arrimaha laga sugayo, iyagoo isu qaybiyay laba guddi hoosaad si ay hawlaha u fuddudeeyaan, isla markaana jadwelka ay sameeyeen ugu dabakhaan.

Guddida ayaa Khamiistii u doortay Guddoomiye Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, halka Guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed, iyagoo dhinaca kale kulamo ay la yeelanayaan dhinacyada Bulshada iyo Siyaasiyiinta qorshaystay sida ay sheegayaan xoggaha laga helayo kulanka ay yeesheen maanta.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee loo muddeeyay 15 bishan May 2022, ayaa ah mid xaasaasi ah, waxaana jira xiisaddo siyaasadeed iyo cabsi dhanka amaanka ah oo ku xeeran, isla markaana ma jiro liis rasmi ah oo guddidu shaaciyay oo sheegaya murrashaxiinta dhabta ah ee u tartamay kursiga Madaxweynaha, maadaama aan la gaadhin maalinta ay jadwelka ku sheegeen ee la qabanayo liiska diiwaangelinta murrashaxiinta 8 May 2022, oo ku beegan maalinta Aaxadda.

Hase yeeshee waxa durba magaaladda Muqdisho laga daremayaa xiisadda iyo xamaasadda doorashada, iaydoo uu jiro loollan adag iyo kulamo xaasaasi ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta iyo ashqaasta doonay in is sharaxaan oo tartanka ka qaybgalaan, kuwaas oo ku dhowaad labaataneeyo gaadhaya, wallow liiska rasmiga ah uu ooqnayo marka ay shaaciyaan guddidu.

Jadwalka Doorashada halkan Ka Akhri.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com