Araweelo News Network.

 

#Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu djammaaday iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa maalintii labaad shir uga socdaa Teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho.

Shirkaa oo muddo dhawr carqalado siyaasadeed iyo khilaaf ku xeernaa , isla markaana ay dhinacyada isu duduucayeen Madaxda Beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya iyo Diblamaasiyiin uu hormood u yahay Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilasan Soomaaliya, #Ambassador James Swan oo ah Madaxweynaha dadban ee Soomaliya, ayaa laga muujiyay raja-xumo iyo natiijo la’aan.

Shirka, ayaa hadafkiisu ahaa kalsooni dhisidda madaxda shirka ka qeybgalaysa iyo sidii laysula meel dhigi lahaa ajandaha shirka wadatashiga doorashada.

Somalia: Hoggaamiyayaasha Siyaasada Oo Sii Wata Go’aankooda Khilaafka Iyo Fashilka Shirka

Wallaw aan waraahinta loo ogolayn oo ay suxufiyiintu dibbeda la joogeen, isla markaana uu ahaa mid albaabada loo xidhay oo aan wax war ah laga soo saasaarin ila hada,  balse is ariwaaga dhinacyada siyaasiyiinta Soomaalida oo noqday adeegayaasha dawladdo iyo danno siyaasadeed oo gaar ah, ayaa sida ay xoggaha ka ag dhow sheegayaan diiday in ay wax tanaasul ah muujiyaan si ay isugu soo dhowaadaan.

Somalia: Jubaland Iyo Puntland Oo Ka Hadlay Mawqifkooda Xilligan Ee Xaaladda Khilaafka

Hase yeeshee Afhayeenka maamulka Puntland, ayaa galabta sheegay in shirkii hordhaca ahaa ee u socday Madaxda Soomaaliyeed uu hadda soo dhammaaday, isla markaana sida uu xusay lagaga hadlay Ajandaha Shirka Doorashada iyo arrimaha kale ee taagan.

Amb. James Swan,Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Iyo Kooxdiisa oo Diyaarnaya Qorshohooda Siyaasada Soomaaliya.

“Waxay ka wada hadleen qodobada muhimka u ah arrimaha doorashada, sida qabsoomida Shirka Doorashada iyo caqabadaha kale ee ku xeeran, Madaxda ayaa Berito soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah waxayna isu soo laaban doonaan Maalinta Salaasadda oo ku beegan 06-da April 2021” ayuu yidhi, afhayeenka Puntland.

 

Dhinaca kale, waxa  jira qorshe uu Ambassador James Swan dabada ka riixayo oo kooxaha ku muransan Soomaaaliya oo awooddi waayay in ay xal ka gaadhaan muranka doorashada, taas bedelkeeda uu Mr. Swan ku siin doono Madaxweynaha aan awoodda lahayn ee magac u yaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukuumaaddiisa xilligeedu dhammaaday, maamul goboleedyada iyo kooxda la baxay Madasha Murrashaxiinta jihada ay u dhaqaayayaan iyo sida la doonayo in ay wax u maareeyaan, waxaana la eegayaa haddii laysugu soo laabto maalinta Salaasadda inagu soo fooleh.

Araweelo News Network.

Info@araweelonews.com