Araweelo News Network.

#Dr.,@Gabboose Oo Si Lama Filaan Ah Uga Baxay Fagaarayaasha Tartanka Siyaasada Iyo Xirfadiisa Uu Caanka Ku Ahaa Ee Dhakhtarnimo, Muxuuse Sabab Uga Dhigay/?

#Hargeysa(ANN)- Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo dhakhtar caan ka ah geyiga Soomaalida,  isla markaana muddo dheer kusoo jiray xirfadiisa lagu majeerto ee dhakhtarnimo iyo saaxada siyaasada, ayaa si lama filaan ah u shaaciyay inuu gebi ahaanba xirfadiisa Dhakhtarnimo iyo siyaasad iskaga baxay.

Dr. Gabboose oo saaxada iyo fagaarayaasha Siyaasad ka maqnaa, isla markaana lagu tilmaamo Nin loolanka siyaasada saamayn weyn ku lahaa, wuxuu ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka halka uu kuu danbaynayo.

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, wuxuu kaga hadlay marxaladihii uu soo maray halgankiisa iyo muddadii uu dadkiisa usoo shaqaynayay iyo sidoo kale isku dayadii uu doonnayay inuu kaga qaybqaato dhismaha qarankiisa ee soo taxnaa ilaa doorkii uu ku lahaa halganka lagu xoraynayay dalka iyo xirfadiisa iyo aqoonta xeesha-dhgeer ee caafimaadka u leeyahay ugu adeegayay Bulshadiisa.

Balse waxa uu maanta si lama filaan ah u shaaciyay in uu hadda wixii ka danbeeya danihiisa gaarka ah, ta qoyskiisa, hawlaha samafalka iyo cibaadda Allah u go’ayo oo aan loogu soo hagaagayn Siyaasadii iyo xirfadiisii shaqo ee dhakhtarnimada.

“1979-kii, ayaan bilaabay shaqadayda dhakhtarnimo, annigoo xiisihii iyo dar-dartii aqoonta qaba, si aan ummadayda ugu adeego mihnada caafimaadka, wuxuu ahaa geedi qaatay nus qarni, gudahsda waajibaadkaa waxaan u arkayay in yar oo ka mid ah abaal-celinta dalka iyo dadku iga mudanyahay, waxaanse aaminsanahay in hadda la joogo xilligii ugu haboonaa ee aan ka fadhiisan laaha.” Ayuu yidhi.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, wuxuu sannadihii u danbeeyay Magaalada Hargeysa ka sameeyay Cusbitaalka casriga ah ee Daryeel Hospital, kaas oo uu keenay dhakhaatiir waaweyn oo caan ah, wuxuuna u adeegayay dadkiisa, taas oo fursad u noqtay dad badan oo bukaan ah oo baahida caafimaadka u tegi jiray dalka dibeddiisa.

“Waxaa hadda hirgalay Cusbitaalka Daryeel Hospital oo qalabayn casri ah lagu sameeyay, isla markaana ay ka hawlgalaan xeel-dheerayaal Caafimaad.”

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, wuxuu sheegay in marka dib loo jaleeco dhanka Siyaasada taariikhdiisa siyaasadeed oo xanbaarsan waayo-aragnimo qota-dheer, balse uu go’aansaday in uu iyadana ka fadhiisto, wuxuuna isagoo sababaynaya waxa ku ajburay go’aanka uu ka qaatay ka bixitaanka saaxada siyaasada iyo fagaarayaasha loolanka yidhi, sidan:-

“Tamarta Jidhka qofka iyo maskaxdiisu waxay la jaan qaadaan da’adiisa, haddiise aad aaminsantahay in hoggaamiye da’diisu weyntahay uu xilka hoggaaminta qaranka, amma dawladda qabto, waxaad oggaataa in ay yihiin dawladdo leh nidaam iyo Hay’addo caggahooda ku taagan oo u dhisan in ay badhitaaraan nidaamka hoggaaminta” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo sawiraya qaab dhismeedka Qaranimada Somaliland,, dhismaha Hay’addaha iyo hoggaaminta dalka.

Wuxuuna isagoo arrintaa iftiiminaya yidhi,”Laakiin innaga dawladnimadeenu waa curdin, sidaa awgeed, waa annuu hoggaamiyihu noqdaa shaqsi fir-fircoon, oo xoog leh, maadaama uu yahay mishiinka ay ku xidhantahay socdsiinta hawlaha qaranka oo dhami.”

Sidaa awgeed, wuxuu shaagay in hankiisu u sheegayo maadaama ay da’adiisu kulaalay toddobaatanadii inuu ka gaanbin karo buuxinta baahida xad-dhaafka ah ee dal sidan oo akle curdin ah.

Sidoo kale, wuxuu sabab uga dhigay in qodobka labaad ee ku dhaliyay go’aanka uu kaga fadhiisanyo siyaasada ay tahay nidaamka doorashooyinka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“1998-kii, waxaan ahaa Wasiirkii Arrimaha Guddaha ee Xukuumaddii Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal,AHN, goor arrooryo hore ah, waxaa guriga iigu yimi Taliyihii Booliska Somaliland ee xilligaa AHN, Cilmi Kabaal, wuxuu ii kaxeeyay dhanka dooxa Malka-du-duro, waxaan dul istaagay muuqaal aad u aragagax badan oo murrugo ah, fal ka baxsan Islaamnimada, isla markaana ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo xeer kasta oo wax isu ahaansho ah, waxay ahaayeen qlfoofka maydadka tobban, tobban isugu xidhan oo roobabkii da’ay soo saareen, waxaan jawaab u waayay liidashada sababta denbiga looga dhigay gumaadkaa, waxaanse naftayda ku qanciyay in la dhisayo qaran dhaama kii dumay,” ayuu Dr. Gabboose oo muujinaya rajadii uu qabay xilligaa iyo sida xaalku yahay maanta.

Dr. Gaboose Oo Ka Dayriyay Xaalada Dalka Iyo Mustaqbalka Somaliland

Wuxuu sheegay in waayo-aragnimadii uu ka helay halgankii tartanka Ururada Siyaasada oo dhaqangelintoodii xabsi usoo maray uu ku qancay, “in nidaamka iyo dariiqaasi yahay mid tollaya shaadh keli-talisnimo oo lagu xallaashanayo Kursi Boolli ah oo ugu danbaynta uu ku fadhiisnayo nin hore usii dooranaa, sababtaa ayaan markii 2012, lagu dhawaaqay natiijadii Ururada, anniga oo gocanaya sidii wax u dhaceen waxaan xaqiiqsaday in helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah in ay ku biirtay intii sida arxan-darada ah loogu duugay Malka-dur-duro, waxan goob jooog ka noqday Hay’addihii qaranka oo noqday dubbe ay gacanta ku hayso hadba cida tallada haysaa. Waxaan xaqiiqsaday in nidaamkani aannu waxbadan ka bedelnayn kii ridsitiisa aan kaymaha usoo galay oo inaad doorasho raadisaa ay mararka qaar abuuri karto in ay nafo go’aan taas oo aannan annigu diyaar u ahayn.”

Wuxuu sharaxay nidaamka dimuqraadiyadda, isagoo sheegay in dhaqanka qabyaalada ee bulshada oo ah mid reer guuraa ah uu gabood ka dhigto nidamku, isla markaana aannay jirin hay’addihii ilaalin lahaa nidaamka la qaatay ee dimuqraadiyada iyo tallo wadaaga.

“Waxaynu nahay Bulsho Muslim ah oo guud ahaan aaminsan xukunka samaawiga ah, guumaystaha hirtii dadkeenu ma lahayn nidaam maamul oo ay wax ku wadaagaan oo fac weyn, kaas oo dammaanad qaadaya cadaaladda iyo wax wada lahaanshaha iyo danta guud, si nidaam tallo wadaag ah uga hirgalo geyigeena waa inuu noqdo mid qadarinaya qaab dhismeedka Bulsho iyo dhaqan dhaqaale ee dadkeena, waxaana hubaal ah, waxaase hubaal ah in dimuqraadiyadu mari doonto jidkii uu maray hantiwadaagii Kacaanka ee hore usoo fashilmay, sidaa awgeed annigu kuma qanacsani durbaanada beenta iyo allalaaska Ollolayaasha aan dhaafsanayn sacabka iyo xiisaha maalintaa” ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo sharaxayay sababaha ku ajburay inuu ka qanco siyaasada hoggaaminta dalka, isla markaana ka digaya in xaalku ku danbeeyo dhabbihii Hantiwadaaga ee aan la mahadin.

Araweelo News Network.

Info@araweelonews.com