Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii u horeeyay la yeeshay xubno ka tirsan midowga Murrashaxiinta tan markii ay gollaha shacabku laaleen muddo kordhintii xukuumadda

Kulnaka ra’iisal wasaaraha waxa ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheef Axmed, Mustaf Dhuxulow iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda la baxday midawga murrashxiinta.

Lama ogga waxyaabaha ay kulankaa layskula meel dhigay, balse wuxuu ahaa mid qayb ka ah xalinta arrinta khilaafka ee ka taagan doorashada laysku mari waayay iyo xaaladda guud ee dalka, xasilloonida caaasimadda, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka gollaha shacabku ka gaadheen khilaafkii mudda kordhinta xukuumadda, taas oo dalka dib ugu celinay heshiiskii doorasho ee 17 September, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday oo mudan in lagu bogaadiyo gollaha shacabka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyay masuuliyada doorashada, kadib markii meesha laga saaray mudda kordhintii, ayaa kusoo kusoo beegmay shir uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay in ay kasoo qaybgalaan madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir kaas oo loo mudeeyay in uu magaalada muqdisho ka qabsoomo marka la gaadho 20 May oo ku beegan ciidka kadib.

Hase yeeshee maamul goboleedka Jubaland, ayaa isagu si cad u sheegay in aannay ka qaybgelayn shirkaa oo aannu ahayn mid khuseeyay, waxayna arrintaa iyo dhacdooyin kale oo weli ka jira Muqdisho muujinayaan in khilaafku aannu u muuqan mid si fudud ay heshiis uga gaadhayaan dhinacyada ku muransan doorashada Soomaaliya.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com