Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao oo gollaha shacabku ka aqbaleen in laga noqdo, isla markaana meesha laga saaro muddho kordhintii muranku ka dhashay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa markaa kadib ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyay inuu hoggaamiyo diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon, iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September 2021, ee dhuusamareeb.

 

“Waxaan ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxeexayaasha heshiiskii 17-kii September ee 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkii Baydhabo ee 16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraaddeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo.

Go’aanka gollaha shacabku ku baabiiyeen mudda kordhinta ayaa ka dhashay kadib markii khlaaf si weyn u hadheeyay Soomaaliya uu sababay in magaalada muqdisho waajahday cabsi iyo dagaalo kooxeed ka dhacaan, isla markaana Soomaaliya dib ugu laabato xilligii fawadada iyo hoggaamiye koxoeedyada.

Waxaana soo baxay malayshiyaad qaarkood ka goosteen ciidanka dawladda oo degey goobo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay weli ku sgan yihiin, iyadoo ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay markii mudda kordhinta laga noqday in ay ku noqdaan xeryohoodii, balse weli waxay ku sugan yihiin meelihii ay degeen.

Khilaafka hore usoo jiitamayay ee arrimaha doorashada Soomaaliya,  waxa sii kicisay arrinta mudda kordhinta oo sababtay in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisu waajahaan cadaadis guddaha iyo dibedda kaga imanayay, iyadoo loogu baaqayay in laga saaro meesha mudda kordhinta, isla markaana la sameeyo dootrashooyin ka qabsooma dalka, wallaw ay arrintaasi tahay mid khilaafkeedu muddo soo jiitamayay oo horeba hoggaamiyayaasha Soomaalidu ugu heshiin waayeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku baaqay dhinacyada maamul gobolleedyada in laysugu yimaado shir si doorashooda looga heshiiyo, balse durba Maamulka Jubaland ayaa gaashaanka ku dhuftay arrinta shirka uu ku baaqay faramaajo, waxayna si cad u sheegeen in aannay ka qaybgelyan.  Sidaa awgeed ka saarintsa mudda kordhinta xukuumadda Federaalka ayaan muujinayn rajo badan oo laga qabo in ay dhinacyadu ku heshiiyaan arrimaha doorashooyinka, maadama ay marar badan oo badan oo culays diblamaasiyadeed la saaray, isla markaana diblamaasiyiinta ku sugan Muqdisho ee shisheeye isu soo jiideen ay dhinacyadu ku heshiin waayeen qabsoomida doorashada.

Guud ahaan muranka iyo khilaafka hoggaamiyayaasha Soomaaliya ee mudada soo jiitamayay, ayaa ah mid la xidhiidha dano siyaasadeed oo ay su weyn ugu lug leeyihiin dawladdo shisheeye, kuwaas oo ujeeddooyinka iyo maslaxadooda siyaasadeed ee ku waajahan Soomaaliya marinaya dhinacyada, taas oo sabab u noqotay in khilaafka soo taxanaa tan 2020, ee arrimaha doorashada ay dhinacyada Soomaalidu ku heshiin waayeen, mana muuqato xilligan oo mudda kordhinta laga saaray meesha, isla markaana Madaxweyne Farmaaho hawsha arrimaha doorashada ku wareejiyay ra’iisal wasaarihiisa in ay wax iska bedelayaan khilaafka hore usoo taxnaa oo meesha ka saaraya in ay heshiis ku noqdaan qabsoomida doorashooyinka, taas oo aan rajo badan laga qabin in ay xal waara ka gaadhaan dhinacyadu, waxaynuse dhawri doonaa maalmaha soo socda jihada iyo halka ay Siyaasada Soomaaliya u dhaqaaqo.

Araweelo News Network.

info@arawelonews.com