Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka kala wareegay ra’iisal wasaarihii xilka sii hayay Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii ay 25kii Bishan ay ansixiyeen Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Alt: Araweelo News
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo xilka kala wareegaya ra’iisal wasaarihii xilka sii hayay Maxamed Xuseen Rooble, Muqdisho Villa Somalia, Image Araweelo News Network. 28 Jun 2022.

Ra’iisal Wasaaraha cusub, ayaa Xamse Cabdi Barre galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxuuna u rajeeyay in xilkaa Allah u fududeeyo.

Dhankiisa, Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay qorshayaasha ku waajahan horumarinta howlaha uu doonayo.

Laxidhiidha: Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Oo Helay Codka Kalsooonida Muxuu Ka Yidhi Siyaasadiisa Ku Waajahan Somaliland

Rooble, ayuu ku ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay dalka muddadii uu hayay xilkaa, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka oo caqabado baddan soo maray.

Laxidhiidha: Ra’iisal Wasaare Xamse Barre Muxuu Ka Yidhi Qorshihiisa Wadahadallada Somaliland

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyayaasha Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan ku xigeennadooda iyo xubnaha Gollaha Wasiirrada ee xilka sii haysay, Hanti-dhowrka guud, iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Alt Araweelo News
Dhismaha Qadar u dhistay Dawladda Federalka ee Somalia, Image Araweelo News Network, 28 Jun 2022.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka la wareegay Xamse Cabdi Barre oo uu weheliyo Ra’iisal Wasaaraha xilka wareejinayay Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisal Wasaaraha loo dhisay,taas oo oo heer gabo-gabo ah maraysa, isla markaana xaruntaa, oo sida la sheegay in ay maalgalisay dowladda Qatar.

Dhisamaha ay dawladda Qadar maalgelisay, ayaa ku taala halkii horay loo odhan jiray Xarunta Xisbiga ee degmada Warta Nabadda, waxayna dhisamayaashu ka kooban yihiin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xarunta Xukuumadda, hoyga Ra’iisal Wasaaraha, guriga martida iyo masjid, waxayna masuuliyiintu sheegeen in dhowaan hawlaha shaqo laga bilaabyo dhismaahaa oo aan la sheegin lacagta ku baxaday.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com