Hoggaamiyayaasha Oo Isku Mariwaayay Xalka Mushkiladaha Uu Sababay Dagaalka Ukraine

Araweelo News Network.

 Berlin (ANN)-Shirarka dalalka ku bahoobay kooxda hore loo odhan jiray markii ruushku ka tirsnaa G8, balse xilligan la baxay G7, isla markaana sheegta in ay yihiin dalalka ugu dhaqaale baddan aduunka ayaa lasoo gebagebeeyay.

Laxidhiidha: Duulaanka Ruushka Oo Ka Ilamaysiiyay Xulufada Galbeedka Iyo Duruufaha Ku Xeeran Kulanka G7

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa martigeliyay shirka G7 ee sannadkan, wuxuuna ka hor inta aan si rasmi ah shirka loo bilaabin wadahadalo laba geesood ah la yeeshay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Shirka oo lagu faaqidayay xaaladdaha xaasaasiga ah ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, cunta yaraanta, werwerka guud ahaan nolosha iyo gaasta oo gabaabsi ku ah dalalka Yurub iyo dunida kaleba, iyo sidoo kale cabsida laga qabo macaluul in ay waajahaan dalal baddan oo dunida ah dadkoodu, kaddib cunta yaraanta iyo gaasta oo cirka isku shareertay oo horseeday sicir-barar ku baahay aduunka.

 Dhammaan dhibaatooyinkaa xagga nollosha iyo amniga ah iyo dhiigga daadanaya ee uu sababay dagaalka ka socda Ukriane bishii afraad ee hadda gelaya bishii shanaad ayaa ajandayaasha kooxda G7 u ahaa bud-dhig shirka uga socday dalka Jarmalka saddexdii maalmood ee u danbeeyay ayaa natiijadiisu aannay noqon mid ka farxisa Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo cod dheer ugu sheegay G7 inay soo dedejiyaan soo wareejinta hubka, maadaama uu sheegay in aannay hasyan awood ay iskaga baaciyaan ciidamada Ruushka uu la wareegaya magaalada ahmiyada weyn u leh dagaalka ee Severadonesk oo dagaalo lagu hoobtay ka socdeen toododbaadyo, isla markaana marar hore gacanta u gashay Ruushka, taas oo ah halka ugu muhiimsan ee laga difaacayo caasimadda Ukraine ee Kyiv.

 Shirka toddobada dal ee G7, ayaa sidoo kale waxyaabaha lagaga hadlay waxa ka mid ahaa sidii loo ilaalin lahaa midnimada dhexdooda iyo waxay ugu yeedheen gardarada Ruushka.

Hoggaamiyayaasha, ayaa isla soo qaaday sidii loo sii wadi lahaa taageerada Ukraine mudada dheer, iyadoo qorshe la doonayo in xal loogu helo mushkilada uu sababay dagaalku ee dhanka arrimaha amniga, tamarta iyo isbedelka cimilada oo ku jira ajendaha.

Hase yeeshee waxa muuqata in aannay dalalka Yurub waxba ka beddelin arrimihii ay ka werwer sanaayeen ee dhibaatooyinka ka dhashay ee cidhiidhiga geliyay nollosha, balse waxa xusid muddan in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ka baxay shirka, iyadoo aan wax laysla meel dhigay jirin.

Hoggaamiyayaasha dalalka laysku yidhaahdo G7 oo ah toddobada waddan oo sheegta in ay yihiin hormuudka dimuqraadiyadda iyo warshaddaha kulankooda ka dhacay koonfurta Jarmalka, ayaa sheegay in ay isku raaceen sidii loo qiimayn lahaa qiimaha saliida Ruushka ee lagu iibiyo dibadda.

Qorshahan ayaa ah mid aan la tijaabin, balse haddii uu hirgalo, waxa ay u arkaan inuu dhabar jab ku noqon karo in Vladimir Putin uu maalgeliyo dagaalka Ukraine, wallow aannay waxba sidii la filayay uga beddelin tallaabooyinkii hore ee cunaqabataynta ay saareen ruushka xulufadu oo ay qaarkood u arkaan in tallaabooyinkaasi ay saamayn xun ku yeesheen dalalkooda, balse aannay noqon kuwo sidii la filayay ruushka ku khasbaya in uu joojiyo dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha: Moscow: Hanjabaada Ku Waajahan Lithuania Oo Xanibtay Badeecaddaha Tareenada Ruushka

Qorsha ay sheegeen in ay ku qiimayanaan saliida ruushka, ayaa u muuqda aannay si sax ah isula qaadan, iyadoo ay doodaha iyo aragtiyaha isku diideen, waxaana lagu tilmaamay mid xataa qorshaha ay sheegeen aan waxba ka beddelayn xaaladda oo qaadan kara sannado baddan.

Dhinaca kale, NATO ayaa ku dhawaaqday qorshe ay sheegtay in ay ku kordhinayso ciidamadeeda degdega ah ee ka jawaaba 40 kun ilaa 300 kun, taas oo ay ku jiri doonnaan kordhinta baaxadda leh ee tirada askarta Maraykanka ee ku sugan cidhifka bari ee NATO, waana goobta ay iska eeganayaan sheedda ciidamada isbahaysiga  ee NATO iyo kuwa Ruushka ee ku sugan aagga, isla markaana laga cabsi qabo in xaaladda si fudud faraha uga baxdo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com