Turkiga Oo Beddelay Mawqifkii Uu Ku Diidanaa

Araweelo News Network.

Madrid(ANN)- Hoggaamiyayaasha xulufada ku bahoobay NATO, (North Atlantic Treaty Organization) ayaa ku casuumay dalalka Finland iyo Sweden in ay xubno ka noqdaan Ururka, kaddib markii Turkigu aqbalay qorshaha rabitaankooda ee uu diidana muddooyinii u danbeeyay.

Laxidhiidha: Madaxweynaha Maraykanka Oo Guuldaro Kala Hulleelay Shirka Kooxda Dalalka G7

Sidaana waxa sheegay Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg oo ka hadlayay kulankaa oo ka dhacay dalka Spain, gaar ahaan Magaalada Madrid oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Bidenb iyo hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururkaa.

“Waxaan go’aansanay in aannu ku casuuno Finland iyo Sweden in ay xubno ka noqdaan NATO, waxaanu isku raacnay heshiiska oggolaanaya in ay kusoo biiraan.”ayuu yidhi, Jens Stoltenberg oo ah  Xoghayaha guud ee NATO.

Laxidhiidha: Hoggaamiyayaasha Oo Isku Mariwaayay Xalka Mushkiladaha Uu Sababay Dagaalka Ukraine

 Jens Stoltenberg, ayaa intaa ku daray in qrshahani wax weyn ka tarayo in ay amaan noqdaanm isla markaana yeeshaan awood difaac dalalka xubnaha ka ah xulufada ku bahoobay NATO, (North Atlantic Treaty Organization), kuwaas oo Maraykanku ugu tun weynyahay.

Hadalka xighayaha NATO, ayaa soo baxay wax ka yar 24 saacadood, kaddib markii uu ogoladay Turkigu ku biirista Finland iyo Sweden ee NATO, waxayna u muuqataa in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo mucaaradkiisu isu taageen is bahaysiga looga gol leeyahay sidii loogu istaagi lahaa dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine oo kusii siqaya bishii Afraad, iyadoo dagaalku noqday mdi si weyn saamayn ugu yeeshay aduunka, dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo siyaasiyanba.

Laxidhiidha: Duulaanka Ruushka Oo Ka Ilamaysiiyay Xulufada Galbeedka Iyo Duruufaha Ku Xeeran Kulanka G7

Sidoo kale, dagaalka ayaa sababay in suuqyada maceeshadu si weyn sicir-barar ugu habsado, kaas oo saamayn ku yeeshay malaayiin qof oo dunida ah, isla markaana laga cabsi qabo in uu geyeysiiyo macaluul iyo xaaladdo amni oo dunida kala qoqoba.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin mid khatar weyn iyo cabsi ku haya dalalka Yurub iyo dunnida kale, sidaa darteed ay Maraykanka iyo xulufadiisu qaadayaan tallaabooyin lagaga hortegayo khatarta ruushka.

Go’aanka waranka ka fujiyayay xulufada NATO, ee suurta geliyay in ay Finland iyo Sweden, ayaa suurtagalay, kaddib markii lagu qanciyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu aqbalo in ay ku biiraan labada dalka xulufada, kuwaas oo markii hore si weyn uga cadhaysiiyay, balse lama ogga waxa beddelay mawqifkii hore ee Turkiga, waxayna xulufada ku bahoobay NATO, (North Atlantic Treaty Organization) oo xiliigan ah 32 dal u noqonay tallaabadani mid rajo gelinay in laysku halayn karo amnigooda, iyadoo cabsida ugu weyn ay ka qabaan dalalka yar yar ee Yurub in ruushku luqunta jebiyo, maadaama uu hore hanjabaado ugu diray muddadii uu bilaambay duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Shirkii amniga ee Madrid waxaa ka mid ahaa arrimaha wadahadalo lala yeeshay xubnaha aan NATO ka tirsanayn oo ay ku jiraan Ukraine, Bosnia iyo Herzegovina, Georgia, iyo Moldova, waxayna isbahaysiga millaterigu ku heshiiyeen inay kor u qaadaan taageerada siyaasadeed ee dhabta ah ee dalalkii hore ee Soofiyeedka.

Hase yeeshee wadamada xulafada ah ee ka baxsan Yurub ayaa sidoo kale ku lug lahaa wadahadalada ka socda Spain, kuwaas oo ay ku jiraan Australia, Japan iyo South Korea, iyadoo xulufada NATO kusoo qaaday shirkaa waxay ku macneeyeen gardarada Shiinaha ee Baasifiga iyo taageerada muuqata ee Ruushka , iyadoo hoggaamiyayaasha adduunka si isa soo taraysa uga walaacsan yihiin tallaabooyinka Ruushka, Shiinaha oo dhankooda ay jiraan dalal baddan oo iyaguna qayb ka ah xulufada kasoo horjeeda NATO.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com