“Ruushku Wuxuu Qaaday Weerrar Dhaqaale, Gaasta iyo Hadhuudhka Putin Ma Wuxuu U Qaatay Hubkii, Waa In Aynu Dhexda Xidhanaa” Hoggaamiyaha Jarmalka

Araweelo News Network.

Berlin (ANN)-Dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukrain ayaa maraya meel xaasaasi ah, kaas oo sababay dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha aduunka iyo sidoo kale maceeshada iyo gaasta oo gebi ahaanba saamayay nollosha iyo sicir-barar laga dareemayo dunida oo dhan.

Dalalka Yurub ayaa ka werwersan dhibaatooyinka ka dhashay ee cidhiidhiga geliyay nollosha, waxayna qaarkood ku baaqayaan in dadku dhexda u xidhtaan dhibaatada, waxayna Jarmalku ku tilmaameen tallaabooyinka Madaxweynaha Ruushka ee lagu yaraynayo gaasta uga timaada dalkaa mid aargoosi ah,  “Gaasta iyo Huadhuudhka Putin ma wuxuu u qaatay Hubkii” sidaa waxa yidhi, hoggaamiye Jarmal ah, wuxuuna arrintaa ugu yeedhay in ay tahay weerar dhaqaale.

Laxidhiidha: Moscow: Hanjabaada Ku Waajahan Lithuania Oo Xanibtay Badeecaddaha Tareenada Ruushka

 Arrintan ayaa sababtay in hoggaamiyayaasha dalalka laysku yidhaahdo G7 oo ah todobada waddan ee sheegta in ay yihiin hormuudka dimuqraadiyadda iyo warshaddaha ay ku kulmayaan koonfurta Jarmalka, kuwaas ooh ore loo odhan jiray G8, balse Ruushka laga saaray 2014, kaddib markii uu duulaan ku qabsaday gobolka Crimea.

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa martigelinaya shirka G7 ee sannadkan, wuxuuna ka hor inta aan si rasmi ah shirka loo bilaabin wadahadalo laba geesood ah la yeeshay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Kulankaa, ayaa lagaga hadlayaa ajandayaal xaasaasi ah, waxaana loo badinayaa in inuu ajandaha ugu sarreeyo noqdo xaaladda dalka Ukraine iyo dhibaatooyinka ka dhashay ee saamaynta xun ku yeeshay dalkaa iyo guud ahaanba dunida.

Sidoo kale, Shirka toddobada ee sheegta in ay yihiin kuwa aduunka ugu qanisan ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo ilaalin lahaa midnimada dhexdooda iyo waxay ugu yeedheen gardarada Ruushka.

Higgaamiyayaasha, ayaa isla soo qaaday sidii loo sii wadi lahaa taageerada Ukraine mudada dheer, iyadoo qorshe la doonayo in xal loogu helo mushkilada uu sababay dagaalku ee dhanka arrimaha amniga, tamarta iyo isbedelka cimilada oo ku jira ajendaha.

Ruushka ayaa mar ka tirsanaan jiray kooxdan, waxaana xilligaa loo yaqaannay G8, balse waxaa laga saaray kaddib markii ay ku duulaankii ay kula wareegeen ku qaadeen gobolka Crimea ee Ukraine sannadkii 2014-kii.

Dhinaca kale, tallaabooyinka uu ruushku ka qaaday dalalka Yurub ee taageeraya Ukraine, ayaa lagu macneeyay kuwo aargoosi ah, kuwaas oo jawaab u ah cunaqabataynta reer galbeedka, balse waxay arrimaahn kiciyeen xiisad caalami ah,  iyadoo qiimaha cuntada iyo shidaalka ay kor u kacayaan, taas oo halis weyn iyo khatar gelinaysa dallaka Yurub iyo dunida kale ee inta baddan nolloshoodu ku xidhnayd Ruushka iyo Ukraine shixnaddaha ka iman jiray ruushka ee hadhuudhka iyo cuntooyinka kale, ayaa la saadaaliyay in ugu yaraan sababi karaan in ay macaluul waajahaan 50 milyan oo qof.

Dhinaca kale, ruushku wuxuu sii wadaa inuu horumar ka sameeyo gobolka Donbas, wallow Saraakiisha Ukraine ay sheegayaan in ciidamadooda ay qabsadeen dhowr deegaan oo ay hadda gacanta ku hayaan ku dhawaad dhammaan, balse shebekaddaha Araweelo News Network ma xaqiijin karaan sheegashadaa, waxaana meesha ka baxday sida loogu kalsoonaan karo warbaahinta reer galbeedka, marka laga hadlayo dagaalka Ukraine.

Arrimaha xiisadda cirka kusii shareeraya waxa ka mid muranka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Lithuania, kaas oo cirka isku sii shareeraya kaddib markii gobolka Baltic uu xannibay marinkii tareennada ee badeecaddaha cunaqabataynta lagu soo rogay ee dhulkooda u sii mara xayndaabka Ruushka ee Gobolka Kaliningrad, kaas oo ka go’an dhulka ruushka oo aan wax xuduud ah la lahayn. Lithuania waxa ay sheegtay in ay raacayso xeerarka EU, laakiin ruushka ayaa ka digay in ay Lithuania haddii ay ku adkaysato tallabadaa cawaaqib xun la kulmi doonto.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com