TelesomDahabshiil
Published On: Mon, Jun 27th, 2022

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Magcaabay Masuuliyiin Kuwo Kalena Xilalkii Ka Qaaday

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xilalkii ka qaaday masuuliyiinta xukuumaddiiisa qaarkood, isla markaana magcaabay kuwo kale, iyadoo kuwo kalena laga bedelay xilalkii ay hayeen.

Sidaana waxa lagu sheegay wargeeto kasoo baxaday maanta xafiiska Madaxweynaha oo nuqul ka mdi ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka wareegtada ee kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taariikhaysan 27 jun 2022, ayaa u dhignaa sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 27 /06/2022Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-880/062022 iyo JSL/XM/WM/222-881/062022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. 

1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi;Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 

2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac;Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 

3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi;Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 

4. Ku: Axmed Xasan Nuur;Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 

5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka. 

6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf;Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka. 

7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf;Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada. 

8. Ku: Axmed Abokor Maxamed;Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran. 

Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne. Magacaabid. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabay xilalkan: 

1. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 

2. Cabdiqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 

3. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta. 

4. Maxamuud Jaamac Warfaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. 

5. Yurub Abiib Cabdi Cumar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 

6. Cabdulmajiid Ibraahim Muumin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. 

7. Mukhtaar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada. 

8. Guuleed Muuse Galaal Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka.

 9. Xamse Cabdi Ibraahim Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada. 

10. Maxamed Xuseen Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka. 

11. Muuse Jaamac Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 

12. Fowsi Maxamed Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 

13. Khadar Ibraahim Maxamed Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. 

ALLAA MAHAD LEH 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>