Munaasibadda Lagu Xusayay 62 Sannadood Kadib Xorriyadda Somaliland Oo Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo agaasimay, ayaa xalay lagu qabatay qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu xusayay sannad-guurada 62-aad  ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26 Jun 1960.

Alt: Araweelo News Network
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici xuska munaasibadda 26 Jun 2022, qasriga Madaxtooyada, Image Atraweelo News Network.

Munaasibaddan Qaran oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha gollaha guurtida, Saleebaan  Maxamuud Aadan, guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali , Madaxweyne ku xigeeno hore, xildhibaanno, wasiirro, safiirro, diblomaasiyiin, madaxda xisbiga KULMIYE, hoggaanka qaar kamid ah ururrada siyaasiga ah ee dhawaan la daah-furay, waxgarad iyo haldoor kale oo qaybaha kala duwan  iyo martisharaf tiro badan.

fannaaniinta Qaranka, ayaa furitaanka munaasibadda kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumaysa qiimaha ay leedahay maalinta 26-ka June iyo sida ay u tahay maalin qarankani ku dhaato iyo horumarka dalku  gaadhay muddadii uu jirey.

Alt: Araweelo News Network.
Munaasibadda xuska 26 Jun 1960, sanandguuardii 62aad oo loogu dabaaldegay Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Iamge Araweelo News Network.

 Guddoomiyaha gollaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha maalintani Qaranka ku taagan tahay, dedaalkii xorriyadda la geliyay iyo sida ay ugu qalanto in mar kastaba qiimaynteeda iyo muunaynteeda meel sare la gaadhsiiyo.

Dhankiisa Guddoomiyaha gollaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shacbiga ku hambalyeeyey maalinta xorriyadda, isagoo dhawaaq farrriin ah u diray madaxda axsaabta mucaaridka, wuxuuna ugu baaqay inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa sidoo kale axsaabta mucaaradka usoo jeediyay in aannay ka biqin tartanka ee ay soo galaan, maadaama muddada Madaxweynaha dhawr bilood keliya u hadheen sida uu sheegay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyay munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, isaga oo sharraxay guulaha Somaliland gaadhay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay.

Siyaasadda arrimaha dibadda ay guulaha Jamhuuriyadda Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo  jiidatay indhaha quwaddaha waaweyn ee dunida, ayuu madaxweynuhu ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalweynaha Maraykanka iyo saaxiibtinimada midho-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay,“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas  oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Laxidhiidha: Daawo Munaasibadda Xuska Maalintii Xoriyadda 62 Sannadood Kadib

Madaxweyne Biixi ayaa hadalkiisa ku sheegay inay agtiisa taallo gogoshii wadahadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wadahadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan wuxuu ugu yeedhay goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku tiisanaanta wax-soo-saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee maceeshada.

Gunnaanadkii munaasibada waxa la saaray Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, markii ay saacadda geeska Afrika gaadhay 12:00-kii habeennimo, taas oo ka dhignayd 26 Jun habeenkaa oo kale 1960.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com