Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Wersheddaha (United Nations Industtal Development Organization) ee loo soo gaabiyo (UNIDO), ayaa booqasho ku yimi Somaliland.

Saraakiisha UNIDO, waxa hoggaaminayay Mr Ygor Scarcia oo ah u qaabilsanaha Somaliland iyo Soomaaliya ee hay’adda horumarinta wershaddaha oo uu weheliyo Mr. Arup Baruah oo ah khabiir ka tirsan UNIDO iyo xubno kale oo qaybta farsamada ee mashaariicda ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Wersheddaha (United Nations Industtal Development Organization), 29 Jun 2022,.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aare oo uu weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed-somaali) iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Warshaddaha Fu’aad Rashiid Bullo, ayaa kulan kula yeeshay wefdiga xafiiskiisa Arbacadii maaanta.

Lama ogga waxyaabaha dhabta ah ee lagaga hadlay kulankaa iyo ujeeddada Booqashada masuuliyiinta ka socotay Hay’adda horumarinta warshaddaha u qaabilsanq qaramada midoobay.

Alt: Araweelo News Network
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed-somaali) oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Wersheddaha (United Nations Industtal Development Organization), 29 Jun 2022,

Hase yeeshee kulanka kaaddib saraakiisha wasaaradda ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ujeeddada wefdiga ay ahayd sidii ay Somaliland ula bilaabi lahaayeen mashaariic lagu horumarinayo maalgashiga iyo wax-soo-saarka warshaddaha,

Masuuliyiinta ka socday hay’adda qaramada midoobay ee horumarinta warshaddaha, ayuu uga mahad-celiyey booqashadooda Somaliland iyo soo Ajiibidda codsi uu sheegay in wasaarad ahaan ay u direen UNIDO.

Sidoo kale, wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dhaqan-dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan shaqada iyo waajibaadka ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadduhu u hayso Qaranka.

Masuulyiinta wasaaradda, ayaa u sheegay warbaahinta in wefdiga uu wasiirku usoo bandhigay meelaha ay wasaarad ahaan danaynayaan in wax lagala qabto ee ay doonayaan in hay’adda UNIDO kala shaqayso iyo sidoo kale meelaha mudnaanta u leh Wasaaradda.

.

Sidaa awgeed, wuxuu dalabkiisa ku gudbiyay wasiirku in ay ahmiyad siinayaan wax ka qabashada Diyaarinta Siyaasadda iyo Xeerka Horumarinta Warshaddaha, Dhisidda aaga warshaddaha dalka, gaar ahaan Hargeysa, Samaynta daraasado iyo cilmi baadhisyo khuseeya warshaddaha, Kor u qaadista aqoonta iyo tayaynta Wasaaradda iyo shaqaalaheedaba.Helida khuburo ku takhasustay aqoonta warshadaha Iyo dhammaan mashaariicda kor u qaadaya Horumarinta Maalgeshiga iyo Warshadaha dalka.

Dhinaca kale, Xubnaha Weftiga ka socday Hay’adda, ayaa u mahadnaqay Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Warshaddaha iyo guud ahaanba Wasaaradda soo dhawaynta diiran iyo weji furnaanta ay ku soo dhaweyeen.

Weftiga ka socday Hay’adda UNIDO, ayaa balan qaaday inay sida ugu dhakhsaha baddan ay Somaliland uga bilaabi doonaan mashaariic lagu horumarinayo maalgashiga iyo warshaddaha dalka iyo sidoo kale kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaddaha iyo Weftiga UNIDO ayaa isla qaatay inay bilaabaan xidhiidho joogto ah oo ay yeeshaan masuuliyiinta labada dhinac ee xaga farsamada, si ay isula meel dhigaan isla markaana meelaha mudnaanta u leh labada geesood ee laga wada shaqayn doono, waxayna labada dhinac isla garteen dhammaan arrimihii laga wadahadlay in la meel mariyo.

.

UNIDO, ayaa inta baddan ka shaqaysa Soomaaliya oo ay ka wado mashaariic malaayiin dollar ah oo loo qaybiyay badhtamaha iyo Koonfurta, kuwaas oo ka wada halkaa mashruuca horumarinta Beeraha iyo Warsheddaha, kaas oo u kala baxa qaybo baddan oo kale oo ay xataa ku jiraan maalgelin iyo fursado shaqo abuur iyo sidoo kale tayaynta tignoolajiyada beeraha iyo horumarinta hal-abuurka ganacsig

Mashaariicda ay ka fuliso UNIDO,  Soomaaliya, waxay ku macaysay in ujeedadiisu tahay kordhinta suurtagalnimada fursaddaha dhaqaale iyo shaqo abuurka qaybaha wax soo saarka si loo kobciyo dhaqaalaha, waxayna xilligan ka wadaa mashruuc ay ku baxayso . $ $3,405,655, iyadoo ay jiraan mashaariic kale oo ay UNIDO ka wado Soomaaliya, kuwaas lagu qiyaasay in loo qoondeeyay lacag dhan $250,000,000.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com