Xubno Guddida iyo Saraakiisha Booliska wuxuu siiyay Digniino

Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda waa in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi-gelinta iyo musuqmaasuqaRa’iisal wasaare Rooble.

Araweelo News Network.

Alt: Araweelo News Network
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, Image File 20 August 2021, Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawr xubnood ka saaray gudddida doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu magcaabay xubnaha lagu beddelay shaqsiyaadkaa oo sida uu sheegay ku kacay falal lid ku ah hawlaha doorashada.

Ra’iisal wasaare Rooble oo sidoo kale digiin siiyay xubnaha qaarkood oo magacyadooda la shaaciyay, ayaa ku amray saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta Booliska in ay ka foggaadaan wixii carqalad ku ah hawlaha doorashada.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in marka hore uu Rooble ku boggaadiyay Guddida FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayayaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka dedaalkooda iyo hawsha ay hayaan.

Wuxuu ku amaanay dedaalkoooda ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, isagoo hanbalyeeyay xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo, isla markaana wuxuu ku boorrinayay xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo, kaddibna  u diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu, wuxuu ka digay isagoo ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammaystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

“Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay falal la sheegay in ay yihiin kuwo iskudayo ah oo la doonayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada., wuxuu soo saaray qoraalkan.

“Markaan arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022, ee ka soo baxday Guddoomiyaha Guddida FEI, ee ku saabsan in xubno ka tirsan guddidu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddida, waxaan go’aamiyay sidan:-

Waxaa xubinnimada guddida laga saaray, MaxamedXasan (Maxamed Cirro), waxaana  oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir, sidoo kale, Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam, waxaa lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf.

Waxaa sidoo kale digniin kama dambays ah la siiyay xubnaha magacyadoodu kala yihiin,  Yuusuf Cabdikhayr Cabdinuur, Cabdinaasir Maxamed Guulleed, Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax, Axmed Aadan Dagaal iyo Sacdiyo Xasan Xuseen.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa uga digay xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi-gelinta iyo musuqmaasuqa oo sida uu sheegay ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Dhinaca kale, Rooble, wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed faray in baadhis deg-deg ah lagu sameeyo isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddida FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddidu wado.

Taliyuhu waa inuu mas’uuliyad gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, ayuu yidhi, Rooble.

Waxaa la farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda,  isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, ayuu raaciyay qoraalka ra’iisal wasaare Rooble.

Gebagebadii, wuxuu, ra’iisal wasaare sheegay in uu  shacabka Soomaaliyeed la wadaagayo in ay jiraan isbahaysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammaystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo sida uu sheegay maraysa heer gebogebo ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com