Ganacsatadu waxaan isla qaadanay in Dhaqaale La Ururiyo oo aannay ganac kale ku dhicin ee la gaadhiiyo dadkii dhibaatadu soo Gaadhay, Guddidu waa in ay noqdaan kuwo aan ujeeddo ka lahayn oo aamina”Cabdirashiid Dahabshiil.

AlT: Araweelo News Network
Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa*ANN)- Guddoomiyaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Ducaale, ayaa ka hadlay saamaynta dhaqaale ee suuqa gubtay ee Waaheen ku yalaanayo dhaqaalaha dalka iyo ka gobolka.

Cabdirashiid Dahabshiil, wuxuu tlmaamay in khasaaraha uu sababay dabku iyo dhaqaalaha burburay saamayn ku yeelanayo nollosha Bulshada iyo qiimaha baddeecaddaha, isla markaana loo baahanyahay in gamcaha lays qabsado si dhibaatada looga soo kabto.

Guddoomiyaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, wuxuu sharaxaad ka bixiyay kulamo ay la yeesheen ganacsatadu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la xidhiidha doorka ay ganactadu ka qaadanay hawsha gurnadka iyo dib u dhiska suuqa Waaheen.

Cabdirashiid Dahabshiil, oo warraysi siiyay caawa Telefishanka Horn Cable Tv, wuxuu carabka ku dhiftay in ganacsatadu shirar si xidhiidh ah ugu socday ay kaga wada arrinsanayeen qaabkii loo maarayn lahaa dhibaatada iyo burburka ka dhashay suuqa ganacsiga ee gubtay, isla markaana ay dhawr qodob isla qaateen.

“Dhaqaalaha bu-rburay waa mid gobolka aynu ku noolahay oo dhan saamaynaya, oo maceeshadii kor u qaadaya, sidaa awgeed ilaa shalay waxaanu ku hawlanayn ganacsato ahaan waxyaabaha aannu ka caawin karo dadkii dhibaatadu soo gaadhay ee ganacsigoodii ku waayay.” ayuu yidhi, Cabdirashiid Dahabshiil.

Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, wuxuu tilmaamay in ganacsato ahaan ay dhawr qodob isla qaateen in marka hore dhaqaale la ururiyo, isla markaana dadka deganaa ee dhibaatadu soo gaadhay oo loo eegayo sida ay u kala jiliqsan yihiin, ama u kala khasaare badan yihiin wax loogu qabto.

“Daddka qaarkood waxay lahaayeen ganacsiyo kale, qaarkoodna waxay ku koobnaayeen ganacsigooda gubtay oo kleiya, tusaale ahaan dadka bacadlayaasha ah in loo sameeyo gurmad oo dhaqaale la ururiyo,, lacagta la ururiyona si sax ah oo caddaalad ah loo gaadhsiiyo, xukuumad ahaan ganacto ahaan iyo hay’addaha caalamiga ahba ay gamcaha is qabsadaan sidii gurmad loogu samayn lahaa dadkaa.” ayuu yidhi, Cabdirashiid Dahabshiil.

“Ganacsatadu waxay isla qaadatay in marka lacagata lasoo ururiyo in si sax ah oo daacad ah, isla markaana ka hubinayo qofka iyo sida ay u kala jilicsan yihiin loogu maamulo oo dadka hawsha maamulayaana ay noqdaan kuwo aan ujeeddo ka lahayn, balse ujeeddada kelliya ee ay leeyihiin ay tahay in ay caawiyaan dadkaa. oo aan lacag ka rabin iyo in aannay lacagtaasi gacan kale gaadhin.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group.

Wuxuu sheegay in ahmiyada ugu weyn ee ay ka leeyihiin tahay in si deg deg ah loo celiyo suuqii ganacsiga oo dadka dhibaatadu soo gaadhay, gaar ahaan Bacadlayaasha iyo dadka kale ku waayay ganacsigooda iyo kuwa danyarta ahba dhaqaalahoodii dib loo soo celiyo si ay nolloshoodii iyo ganacsigoodii deg-deg ugu bilaabaan.

“Suuqa Waaheen wuxuu ahaa xarunta ganacsiga ee gobolka oo dhan gaadha, sidaa awgeed waa mid dhaqaale ahaan saamayn ku yeesshay gobolka, waana sababta ay dawladdaha gobolku usoo gurmadeen, annagana waxay ahaayeen dadkii ganacsigayagu ku xidhnaa, diyaar ayaan u nahay in aan caawino oo la qaybsano dhibaatada, waana mid aan dareemayno Dahabshiil ahaan, ganacstada kalena waa nala wada dareen, markaa way naga go’antahay in guddi daacad ah ay hawshaa maamuusho oo dadkaa si toos ah loo gaadhsiiyo wax.” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid, wuxuu sheegay in loo furay Akoono madaxbanaan oo la doonayo in lagu caawiyo dadkaa oo ay maamulayaan guddi ka daacad ah hawsha, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay bulshada kale ee ay ugu horeeyaan qurabnajoogtu in ay doorkooda ka qaataan hawshaa oo qof walba wixii uu awooddo bixiyo kuna shubo akoonada loo qoondeeyay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com