Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magcaabay guddi baadhaya wuxuu ugu yeedhay Afgenbigii 27 Oct 2021.

Qoraal kooban oo kasoo baxay maanta xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay sheebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu shaaciyay magacyada guddida.

Sidoo kale qoraalka, ayaa lagu sheegay in guddidu baadhayaan ciddii ka danbaysay waxa loogu yeedhay isku daygii afgenbiga xafiiska ra’iisal wasaare Rooble iyo xukuumadda.

Guddida oo ka kooban shan xubnood ayaa qoraalka lagu shaaciyay magacyadooda.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guddoomiye u ah guddida.

Xubnaha kale ayaa lagu sheegay magacyadooda sidan: –

Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Waxbarashadda Cabdullaahi Abubakar Xaaji.

Wasiirdawlaha Hawlaha guud Gen. Bashiir Maxamed Jaamac.

Wasiirdawlaha xafiiska ra;iisal wasaaraha Cabdixakiim Xasan Abshir,

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa faray xubnaha guddida in ay baadhitaanka kusoo gunnaanadaan muddo todobaad guddihii ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com