Araweelo News Network.

#Somalia: Generalka Ciidanka Iyo Afhayeenka Al Shabaab oo Ka Hadlay Dagaalka

#Muqdisho(ANN)-Taliyaha ciidanka millateriga Soomaaliya Jenaraal Odwadaa Yuusuf Raage, ayaa ka hadlay saraakiil lagaga dilay weerraro saaka lagu qaaday saldhiyo ay lahaayeen.

General Odwadaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerrarka Al Shabaab kusoo qaadeen xeryaha ciidanka la fashiliyay, isla markaana la gaadhsiiyay jab xoogan, wallaw Al shabaab dhankeeda sheegatay guullo.

Weerraro iyo qaraxyo ay Al shabaab  kusoo qaaday saldhigyo ciidanka millateriga Soomaaliya ku lahaayeen Degmada Owdheegle iyo deegaanka Badhiidhe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxay labada dhinacba sheegteen guullo.

Qaraxyada kadib ayaa ciidamada millateriga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab waxaa dhax maray dagaal xooggan oo socday in ka badan saacad, kaas oo dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac soo gaadhay, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaamadaa.

Taliyaha ciidanka millateriga ee Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in khasaaro aad u badan weerarka ku gaadhsiiyeen dagaalyahanada Al Shabaab, isagoo xusay in ay weli sii baacsanayaan kooxdii weerrarka kusoo qaaday.

Sidoo kale, General Odawaa ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladdu maydadka dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabaab iyo kuwa kale oo nolosha lagu qabtay, wuxuuna balan qaaday in ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan khasaaraha weerrarka ka dhashay.

Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarada saaka  ay ku qaadeen xeryaha ciidamadda dawladda Federaalka ku leeyihiin Owdheegle iyo Badhiidhe, waxana dhankooda Al Shababa sheegeen in askar badan ku dileen weerarka sidoo kale hub badan kusoo furteen.

 

 

Afhayeenka ciidanka Al Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta yaallaa baahisa wararka Al Shabaab u sheegay inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 47 Askari oo uu ku jiro Abaanduulihii ciidanka ee Xerada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay gacanta ku dhigeen inta badan gaadiidkii yaalay xerada iyo keydadkii Hubka.

“Waxaan gacanta ku dhignay 6 gaadhi oo ay ku jiraan 4 Tigniko, hub iyo saanad ciidan oo badana gacanta ayaan ku dhignay” ayuu yidhi, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Ciidanka Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay weerrareen xeryaha ku dhow Badhiidhe si ciidanka la xasuuqayey aannay u helin wax gurmad ah.

Afhayeenka Al Shabaab, wuxuu sheegay in Ciidamo aad u hubaysan oo dhankooda ah ay weerrareen Xerada Awdheegle si aannay halkaas uga soo dhaqaaqin wax gurmad ah.

“Dagaal xooggan iyo camaliyad istish-haadi ah ayaa lala beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Soomaalida ee Awdheegle, kaas oo isna khasaare kala duwan uu ka dhashay.” Ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Al shabaab.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay Muqdisho ay sidoo kale Camaliyad Istish-haadi ah ay ku fuliyeen deegaanka kamiin ee duleedka Muqdisho, isagoo xusay in duqaymo lala beegsaday saldhigga maleeshiyaadka Soomaalida ee Janaale iyo Sabiid ee Sh/hoose, balse sheegashada guulaha Al shabaab maaha kuwo ay xukuumadda Soomaaliya qirtay, waxayna dhankeeda sheegteen in ay jab gaadhsiiyeen Al shabaab oo soo weerrartay deegaamadaa, isla markaana ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya guulaha ay labada dhinac wada sheeganayaan.

Weerrarada xilligan ee Al shabaab, ayaa kusoo beegmay iyadoo khilaaf weyn oo siyaasadeed ka jiro Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday iyo maamul gobolleedyada oo ay weheliyaan siyaasiyiinta la baxay madasha murrashaxiinta, kuwaas oo isku khilaafsan qaakii ay Soomaaliya uga hirgeli lahayd doorasho.

Araweelo News Network

Info@araweelonews.com