Araweelo News Network.

#Somaliland: Qaabka Loo Furan Karo Urur Siyaasadeed, Shurruudaha Ku Xidhan Iyo Hannaanka Dhismaha Xisbiyada Oo Is Bedelka Lagu Sameeyay

#Hargeysa(ANN)-Sawaxan iyo buuq ayaa ka dhashay wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta qaranka ee Xeer L/r14/ 2011, kaas oo guddida loo saaray maanta kusoo celiyeen fadhigii gollaha warbixin la xidhiidha waxyaabaha ay ka bedeleen iyo kaabista ay kusoo sameeyeen.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada sharciyaqaanka ah ee ku jira gollaha, isla markaana muddo ku dhow 25 sannadood ku jiray gollaha Wakiillada Somaliland ee xilligan iyo gollihii ka horeeyay, ayaa warbixin ka akhriyay fadhigaa, wallaw sawaxan iyo buuq ay mudanayaasha kasoo xaadiray fadhigu ku qaabileen, iyagoo ku dhawaaqayay weedho nuxur ahaan ay ku dalbanayeen in ay marka hore helaan qoraalka wax-ka-bedelka iyo kaabista ee Xeerka diiwaangelinta Ururada iyo Axsaaqbta Qaranka ee Xeer/L/r14.

“Mudabayaasha gollaha iga raali ahaada xaq ayaad u leedihiin inaad heshaan waxa laga bedelay xeerka iyo waxa lagu kordhiyay, wayna ku hoos qoran yihiin qodobada wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Jaamac oo fadhiga doonayay inuu ka akhriyo warbixinta qoraalka ay soo diyaariyeen guddi ahaan.

 

Wuxuu codsigaa kadib markii ay sawaxankii iyo buuqii yaraadeen sheegay in Lix xubnood oo gollaha Wakiillada ka mid ah iyo laba Garyaqaan loo xilsaaray inay soo naaqishaan Xeerkaa, isla markaana wax-ka-bedel iyo kaabis kusoo sameeyaan kadibna horkeenaan golle weynaha, go’aankana ay mudanayaashu leeyihiin.

 

Garyaqaan Maxamed Jaamac, wuxuu xusay in meelaha ugu muhiimsan ee xeerka ay taabteen ay yihiin Laba qodob, isagoo tilmaamay in doorashada gollayaasha Wakiillada iyo kuwa deegaanka la qabanayo 31 May  2021, isla markaana muddada sharciyada Axsaabta qaranka ee xilligan jira ay sharciyadoodu ku dhacay, amma xisbiyada ku eegtahay Desember 2022, sidaa awgeed muhiimda mabaadiida meesha taal ay tahay laba qodob nuxur ahaan ugu mudan in kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyo, iyadoo la eegayo muhiimada uu xeerku leeyahay iyo duruufaha jira sida uu sheegay.

“Ururku, wuxuu kusoo bixi jiray xubnaha gollaha deegaanka ee uu magcabao codadkooda, waxaynu ognahay in doorashii gollayaasha deeganku inoo mudaysantahay 31 May, muddadii xisbiyadu liisanka sharciga ay haysteena ay ku eegtahay sannadka 2022, sidaa awgeed laba qodob ayaa ugu muhiimsan oo ah kuwa xeerka wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay.” Ayuu yidhi, Garyaqaan Maxamed Jaamac.

Wuxuuna isagoo labadaa qodob sharaxaya yidhi, “Ururadu mar danbe kuma soo baxayaan doorashada gollayaasha deegaanka, waxaana lagu bedelay doorasho toos ah oo lagu kala dooranayo Axsaabta iyo Ururada jira, kuwaas oo ah kuwa si sharci ah loo diiwangeliyay”.

Garyaqaan Maxamed Jaamac, wuxuu isagoo sharaxaya arrintaa sheegay in halka markii hore lagu soo baxayay sida xeerku sheegayay in gollayaasha deegaanka lagu soo baxo oo cidda kusoo baxdaa noqonaysay Xisbi, marka ay buuxiso shurruudaha xeer L/r 14, jidaynayay aannay arrintu hada sidaa ahayn.

“Hadda waa doorasho toos ah oo xisbigu ka iibanayo shacbiga afkaartiisa iyo ashqaastiisa, sidoo kale xisbiga jiray 10 sannadood inuu marka la gaadho tobban sannadood usoo bandhigo bulshada wixii uu qabtay si loo oggaado oo bulshadu afkaartiisa aqabasho amma ay diido.”

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Xidlhibaan Maxamed Jaamac cidda xaq u leh in ay qabato doorashooyinka Madaxtooyadda iyo gollayaasha dalka marka la gaadho xilligooda, wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaya yidhi, “Doorasha kasta oo Madaxtooyo, amma gollayaal, waxaa loo qabanayaa xisbiyo haysta sharciyada tobbankaa sannadood, kamana qybgeli karo xisbi aan haysan muddada sharciga ah, sidaa awgeed waa inuu haystaa mar walaba Liisankii muddadii sharciga ahayd ee tobbanka sannadood ahayd.” Ayuu yidhi.

Garyaqaan waxa kale oo uu sheegay in ay sidoo kale meelaha qaar wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen, halka ay meelaha qaarna qodobada faah-faahin ka bixiyeen, wuxuuna tusaale usoo qaatay guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta oo qaabka ay ku imanaayn iyo muddada xilka ay haynayaan oo wax laga bedelay.

Qodobka saddexaad ee xeerka, wuxuu sheegay oo ka hadlay xubnaha guddida oo faqrado ahaa ay ka dhigeen qodobo, faqradaha 4aad, 5aad, 6aad, 7aad iyo 10aad, ayuu sheegay in ay ka dhigeen qodobo sidooda u taagan.

“Magcaabista Guddida waxaan ka dhignay laba xubnood oo Madaxweynuhu soo xulayo, laba shirgudoonka gollaha wakiilladu soo xulaayan, laba xubnood oo ay soo xulayaan Ururada Bulshada, oo midkood haween yahay iyo xubin ururka Qareenada ka imanaya” ayuu yidhi.

Garyaqaan Maxamed Jaamac, wuxuu sheegay in habka loo ansixinayo guddida aannay waxba iska bedelayn, isagoo dhinaca kale xusay marka ay xubin ka mid ah guddida ka baxdo meesha qaabka loo buuxinayo ay faah-faahin ka bixiyeen, isla markaana wuxuu sheegay in dhaarta xubnaha ay la mid tahay dhaarta ay maraan xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

“Xisbiyada ay dhamamatay muddada sharciga ee ruqsada la siiyay ma qaban karaan doorasho Madaxtooyo iyo kid wakiilo, mana qaban karaan, waxayna ahaanayaan ku meel gaadh ilaa inta laga qabanayo doorasho toos ah oo ay kusoo baxayaan xisbiyo qaran, waana dabar ku xidhan doorasho kasta” ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Jaamac.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in diiwaangelinta lacagta laga qaado ururada doonaya in ay tartamaan la laba jibaaray lacagta laga qaadayo, isla markaana laga dhigay 300milyan oo lacagta Somaliland ah, taas oo sida uu sheegay la doonayo in lagu xadido.

Qoraalka wax-ka-bedelka iyo kaabista ayaa sidoo kale lagu xusay qaabka qofka xisbiga looga saari karo, taas oo sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Jaamac maraysa ilaa maxkamadda sare.

Waxa sidoo kale uu sheegay qaabka xisbiyadu u dhisan yihiin ee aan ahayn hoggaanka Xisbigu inuu noqdaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye, isagoo tilmaamay in xisbiga aan waafajin wax-ka-bedelka xeer L/R 14, qaab dhismeedkiisa uu noqonayo mid khaldan, wuxuuna gebagebadii usoo jeediyay mudanayaasha in ay ansxiyaan xeerka wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay, iyadoo xisbiyada hadda jira mudadoodu ku dhammaanay marka la gaadho Desember 2022..

Araweelo News Network

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com