Araweelo News Network

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo heshiiska la saxeexanaya haweenayda madaxda u ah qowmu-luudka Holland.

Shacabka soomaaliyeed ayaa si aad ah u buunbuunin jiray iskuulka Abaarso iyagoo ku eedayn jiray eedaymo aan wax caddayn ah loo hayn, taasi oo ah in iskuulkaasi faafiyo dhaqamada liwaadka ( khaniisnimada).

Iskuulka abaarso ayaa ku yaalla Galbeedka magaalada Hargeysa. Waana iskuul sare oo waxbarashadiisu tayo sare leedahay.

Balse maanta waxaynu arkaynaa Guddoomiyihii baarlamaanka soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe oo ah madaxa Hayadda sharci Dejinta jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya inuu heshiisyo la gaadhay Haweenayda la yidhaado Verra BERGKAMP.

Haweenayda Verra BERGKAMP, waa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Holland waana Haweenay (Lesbian ah ) ah. Lesbian micneheedu waxa weeye iyadoo Haweenay ah ayay qabtaa Haweenay kale oo iyada la mid ah.

Sidoo kale Verra BERGKMAP ayaa ah shakhsi u ololeeyaa Qoowmu-Luudka dalka Holland iyo kuwa caalamka waxayna aaminsan tahay in caalamka oo dhan la gaadhsiiyo dhaqanka Qoowmu-Luudka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo heshiiska la saxeexanaya haweenayda madaxda u ah qowmu-luudka Holland.

Verra BERGKAMP ayaa aaminsan in dhaqanka Qoowmu-Luudka la gaadhsiiyo waddamo aannay macquul ka ahayn in dhaqankaaasi ka hir galo. Haweenaydan ayaa waxay aaminsan tahay in kharash badan lagu bixiyo si dhaqankaaasi uuga hirgalo waddamada caalamka ee aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan aaminsanayn dhaqanka foosha xun ee Qoowmu luudnimada.

Haweenayda Verra BERGKAMP ayaa ku dhalatay magaalada AMSTERDAM ee caasimadda dalka Holland sannadkii 1971, balse waalidiinteeeda ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka marooko(المغرب ) oo ah dal carbeed oo muslim ah.

Haddii shacabka soomaaliyeed arrintan ka aamusaan , shacabka reer somaliland waxay u fahmayaan kacdoonkii iyo magac dilkii lagu qaaday Iskuulka Abaarso iyadoo lagu eedeeye inuu faafiyo Iskuulku dhaqanka qoowmuluudnimada iyadoo aan loo hayn wax caddayn ah inay caddaawad iyo nacayb loo qabo dadka reer Somaliland iyo in laga xun Yahay horumarkooda. Waayo haddii Qoowmu luudnimo nacayb ay ka tahay shacabka reer soomalaiya sheikh Aadan Madoobe oo Guuddomiyaha baarlamaanka ayay cambaarayn lahaayeen.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah