Araweelo News Network

Doodda maanta ugu weyn ee shacabkaSsoomaaliyeed isla dhex marayaan ayaa ah booqashada la filayo ee Raysul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ku tegi doono caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

ALT: Araweelo News
Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka Soomalaiya, Xamse Cabdi Barre, Image file Atraweelo News Network.

Maaha wax cusub in madaxda Soomaaliya booqato Addis Ababa oo dhowaan Madaxweyne Xasan tegey, balse raysal wasaaraja ayaa Addis Ababa uga sii gudbi doonaa Caasimadda dowlad degeenka Soomaaliyeed ee jigjiga.

Dad baddan ayaa ku dooddaya in jigjiga tahay magaalo ka tirsan DHULKA Soomaaliyeed ee la haysto sidaa awgeed aannay habboonayn in Raysulwasaare Soomaaliyeed uu boqasho rasmiya ku tago dhul Soomaaliyeed oo guumayste haysto. Waa qayb ka mid ah doodda dadweeynaha Soomaaliyeed.

Qaybta kale oo doodda arrintaa ka dhalatay ayaa ah, mid odhanaysa waa wax caadi ah booqashadu, haddii uu Raysul wasaaruhu uu booqdo magaalda jigjiga marba haddii uu booqday caasimadda dalka Ethiopia oo iyadu ah dowladda haysata dhulkaa Soomaaliyeed.

Waxaa jirta qayb saddexaad oo dad weynaha Soomaaliyeed ah oo ku eedaynaya dowladda Soomaaliya inay waa hore ka tanaasushay qaddiyadda SOOMAALIWEEYN iyo RIYADII ahayd baadi goobka 5tii Soomaaliyeed. Iyo inay aqoonsantahay xuduudkii istucmaarka Reer ^Yurub ay kala dhex dhigeen ummadda Soomaaliyeed.
Qayb kale oo dadka arrintan hadal haya, ayaa ku dooddaya in dowladda Soomaaliyeed ay keliya ku soo hadhay sheegashada Afka baarkiisa ah iyo calanka buluugga ah oo ay iska wadato, iyadoo aan si macnawiyan ah loo dabbakhayn waxa uu u taagan yahay calanku.

JiilkaSoomaaliyeed waxa haboon in iskuullada iyo Manaahijta waxbarashda lagu baro taariojda DHULKA maqan iyo inuu Yahay dhul ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, balse taa beddepkeeda waxay dowladda Sooomaliya siyaabo kala duwan u qirtaa in dhulkaasi maqan uu ka mid yahay Ethiopia, kKnya ENFD, sidoo kale, waxay dowladda Soomaaliya qirsantaay xornimada jabbuuti.

Si kastaba ha ahaatee Raysal wasaaraha Soomaaliya, ayaa noqonaya raysal wasaarihii ugu horeeyay ee ka socda dawladda Federaalka ee booqda Jigjiga.

WQ Dr.Ahmed Hasan Saalah