Araweelo News Network.

#Somaliland: Boocane Oo La Gaadhsiiyay Gargaar

Boocane(ANN)-Maamulka Gobolka Sool ee iyo Maamulka heer degmo, ayaa deeq gargaar ah oo Raashin ah la gaadhay Magaalada Boocame, waxaana loo qaybiyay deeqdaa dadka Deegaanka, kuwaas oo ay sameeyeen Abaaro daba dheeraaday.

 

Boocame waa magaalo ka tirsan Gobolka Sool, waxayna ku taal yaalla koonfurta Gobolka Soo, sidoo kale Boocane waa degmadii ugu dambaysay ee soo gashay dowladda  Somaliland.  Shacabka iyo dadka Deegaanka ayaa soo dhoweeyay Maamulka loo magacaabay degmadaasi,  waxayna dadkaasi sheegeen inay ka mid yihiin jamhuuriyadda Somaliland oo aannay sheegashada ku salaysan Isirka ee maamulka Puntland waxba ka jirin.

 

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa sheegta Deegaanada Koonfurra Gobolka Sool, waxaana Dhowr jeer Weerraro kusoo qaaday ciidan beeledyo ku lebbisan dharka Malyshiyaadka maamulka Puntland, kuwaas oo dhibaato u geysatay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada Koonfurta Gobolka Sool, sidaa  deegaanada saaxmeeygaag, Boocame, iyo senga-jebiye.

 

Shacabka deegaanada Koonfurta Gobolka Sool waxay si weyn ugu qanacsan yihiin inay ka mid ahaadaan jamhuuriyadda Somaliland oo xuduuddaha la qoonsanyahay ee Midawga Afrika ee Gumaysigii calaamadiyay ay dhul ahaan iyo dad ahaan ugu calaamadiyeen.

Sidoo kale, dadk deegaamadaa ee Boocane, waxay si buuxda u diidan yihiin in Maamulka  Puntland uu soo farageliyo arrimaha Gobolka Sool, maadaama juquraafi ahaan Gobolka Sool uu ka mid Yahay dhulka jamhuuriyadda Somaliland.

 

“Puntland waxay sheegataa in dadka ka soo jeeda Gobollada Sool ay yihiin dad isir ahaan ay isku qabiil yihiin oo ay wada dhasheen, taas oo ah dood diciif ah, waxayse isweydiintu tahay maxay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland u sheegan waayeen dhulka Gallaaddi, Wardheer, iyo Bookh ee ka tirsan is Maamulka dowlad deeegaanka Soomaiyeed ee Ethiopia, haddii ay Puntland beelahaa majeerteen u aqoonsantahay inay Ethiopian yihiin, waa maxay sababta ay ugu ogolaan weyday dadka deegaanka Boocane “Dhulbahante” inay ka tirsan tahay jamhuuriyadda Somaliland ? !! ” sidaa waxaa Yidhi cabdi Cumar oo ah muwaadin reer Somaliland  ah oo ku nool degmada Boocame ee Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland.

Araweelo News Desk
Written by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama

Please share with your friends the news and information

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.