Araweelo News Network.

 

Washington (ANN)-Maraykanka iyo dalal kale, ayaa soo dhoweeyay heshiiska hordhaca ah ee ay xarunta dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, ku gaadheen Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia iyo Jabhada Xoraynta Shacabka Tigray ee TPLF.

 

Xoghayaha 71aad ee Arrimaha Dibedda Dawladda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay soo dhowaynayaan heshiiska qalinka lagu duugay ee dhinacyada xukuumadda Ethiopia iyo Jabhada TPLF.

 

“Waxaan soo dhawaynaynaa in la saxeexo joojinta colaada u dhaxaysa dawladda Ethiopia iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray, waxaana bogaadinaynaa” ayuu yidhi, Antony Blinken oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Tawiter.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay soo dhowaynayaan Ururka Midawga Afrika (AfricanUnion) oo gadhwadeen ka ahaa heshiiska, isagoo ydhi, Midawga Afrika dadaalka aan caadiga ahayn ee ay ugu jirto nabad kusoo dabaalida waqooyiga Itoobiya, waan ku habalyaynayaa, ayuu raaciyay Xoghaye Antony Blinken.

 

Dr Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD,  Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Gaadiidka  Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia , ayaa sidoo sheegay in Ururka  IGAD,  si weyn ugu faraxsanyahay in heshiis laga gaadho collaada Waqooyiga Ethiopia.

 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in labada dhinac ay  saxeexaan heshiiska nabadeed ee Ethiopia oo lagu saxeexay Pretoria, waxaana u hambalyaynayaa  Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, ayuu ku yidhi, Dr Workneh Gebeyehu, qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Tawitter.

 

Dr Workneh Gebeyehu. Ayaa sidoo kale, sheegay in ay ku faraxsan yihiin inHoggaanka, kooxaha dhexdhexaadinta, iyo AU natiijadan muhiimka ah soo saaraan si loo aamusiyo hubka. IGAD waxay bilawgiiba door firfircoon ka ciyaartay dadaaladii dhex dhexaadinta ee Midowga Afrika, ayuu yidhi.

Redwan Hussien oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, isla markaana ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa dhankiisa sheegay in ay farxad weyn u tahay dhammaan dadka Ethiopia.

 

“Hambalyo dhammaan Itoobiyaanka iyo asxaabta, waxay ahayd  inaan iska ilaalino dhammaan qaskaa.” Ayuu yidhi.

Ridwaan oo qoraal kooban ku qoray bartiisa Twiter, wuxuu sheegay inuu aaminsanahay in wax baddan ay ka barteen wixii dhacay, balse xilligan loo baahanyahay waxaan barannay ee ah habka adag iyo guushu oo ah Itoobiya iyo nabadda lafteeda.

“Waa inaan dhammaanteen kacnaa oo aan horay u soconnaa intii aan dhaawaca soo daadan lahayn!” ayuu yidhi, Redwan Hussien.

Inkasta oo heshiiska la doonayo in lagu soo afjaro collaada guunka ah ee Waqooyiga Ethiopia ka taagnayd labada sannadood si weyn loo soo dhoweeyay, balse weli waxa laga soo sheegayaa deegaamada in ay socdaan dagaalo, iyadoo aan qodobada heshiiska lagu muujin xilliga ay bilaabmay xabad joojintu si loo dhaqan geliyo heshiiskaa.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com