Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa falalka foosha xun ee lagu xidhxidhay Suxufiyiinta iyo xarrunta Telefishnka HCTV oo Xoog lagu galay.Cabdiraxmaan Cirro.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Albaabada u laabtay xaruntii Telefishanka Horn Cable Tv, waxaana xabsiga la dhigtay 14 Suxufi oo meelo kla duwan laga qabtay.

Dhismaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa, Image file Araweelo News Network.

Xadhiga Suxufiyiinta, ayaa yimi, kaddib markii ay maanta baahiyeen shaqaaqo ka dhacday Xabsiga dhexe ee Hargeysa, halkaas oo ay si toos ah uga tebinayeen.

Ururka Suuxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in xarunta Telefishanka Horn Cable albaabada loo xidhay, isla markaana hawlwadeenadii ka shaqaynayay xabsiga loo taxaabay.

Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Sekeriya Axmed Muxumed oo warbaahinta la hadlay, caawa ayaa sheegay in suxufiyiinta la xidhay qaarkood aan  la ogayn meel lagu xidhay oo ay ka waayeen Saldhigyada.

Laxidhiidha: Somaliland: Rabshad Ka Dhacday Xabsiga Dhexe Oo Galaafatay Koox Suxufiyiin Ah

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan suxufiyiinta qaarkood oo dhaawacyo soo gaadheen iyo qalab ay ciidanka Boolisku ka qaateen xarunta Telefishanka la xidhay, wuxuuna sheegay in ay ka xun yihiin xadhiga, isla markaana masuuliyiinta xukuumadda kula xisaabtamaayaan, isagoo xusay in ay SOLJA ahaan wixii khalad ay leeyihiin suxufiyiintu diyaar u yihiin in la saxo, balse xadhiga ayuu sheegay in annu ahayn iyo saxaafaddu aannay ahayn kuwo kusoo duulay qarankooda.

Dhinaca kale, Haweenayda Dawladda Britain u joogta Somaliland, Lizzie Walker, ayaa canbaaraysay xadhiga suxufiyiinta, waxayna qoraal koobban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter, ku sheegtay in ay ka walaacsantahay xadhiga suxufiyiintaa. “Xoriyadda saxaafadda waa laf dhabarta dimuqraadiyadda.” Ayay tidhi, Lizzie.

Xadhiga Suxufiyiinta, waxa sidoo kale, ka hadlay murrshaxa doorashada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xsibiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxayna ku tilmaameen tallaabo khaldan oo ay xukuumaddu ku cabudhinayso saxaafada.

“Waxa aan si adag u cambaaraynaa falalka foosha xun ee lagu xidhxidhay, isla markaana lagu qafaashay Suxufiyiin kor u dhaafaya labaataneeyo Suxufi iyo Telefishinka madaxa bannaan ee HCTV oo xaruntiisa dhexe xoog lagu galay, qalab baddana laga burburiyey, arrintani waxa ay muujinaysaa oo ay ka marag kacaysaa fashilka hoggaamineed ee dul-hogganaya Xukumadda talada haysa ee KULMIYE.” Sidaa waxa qoraal uu arriintaa kaga hadlay ku ydihi, Cabdiraxmaan Cirro.

Waxayna ugu baaqeen xukuumadda in xorriyadooda loo soo celiyo suxufiyiinta la xidhay, isla markaana xarunta Telefishanka ee la xidhay laga qaado xayiraada.

“Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqaya in ay si deg-deg ah xorriyadoodiI ugu soo celiso Suxufiyiinta sifada sharci darrada ah ku xidhan, mag-dhowna ka bixiso dhammaan qalabkii warbaahineed ee ay burburiyeen, isla markaana ka waantoodo fafalkan gurracan ee ka soo horjeeda xorriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta ka howlgasha JSL iyo ku tumashada xuquuqal insaanka.” Ayuu yidhi, Murrashaxa WADDANI, oo qoraal kaga hadlay arrintaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com