Hawlgalkii Sharafta Ayuu Ku Macneeyay Putin Duullaanka Cusub

Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in duullaanka lagu qaadayo xilligan dalka Ukraine uu noqonayo mid ka duwan hawlgalkii hore ee 24 February ciidamadiisu ku qaadeen Ukraine.

Alt: Araweelo News
Dagaalka Ukraine, hubka lagu daabulayo iyadoo Burbrka magaalooyinka waaweyn la arkayo maydadka wadhan, Image Araweelo News Network

Madaxweyne Putin, wuxuu si cad u sheegay in hawlgalkaa laga gaadhi doono waxa uu ugu yeedhay ujeeddooyinka laga leeyahay oo si sharaf leh loo gaadhayo.

 “Maanta Saraakiishayadu waxa ay ka qayb-qaadanayaan hawl-gal ciidan oo gaar ah oo ka socda magaalada Donbas ee Ukrain, waxa ay kaalmeeyaan jamhuuriyadda Donbas, waxa ay u dhaqmaan si geesinimo leh, karti, hufnaan iyo hufnaan leh, waxa ay adeegsadaan doonnaan hubka noocyadiisa kala duwan ee ugu casrisan. oo leh astaamo gaar ah oo aan la mid ahayn kii hore.” Ayuu yidhi.

 Madaxweyne Putin, ayaa hadalkaa farriinta ah diray, isagoo la socda hoggaamiyaha Belarusia Aleksander Lukashenko oo ay labadooduba ku kulmeen Salaasadii Blagoveshchensk.

Laxidhiidha: Dublamaasigii U Danbeeyay Ee Isku Miidaamiyay Moscow Muxuu Kala Kulmay Madaxweyne Putin

Labada hoggaamiye, ayaa  halkaas ku booqday Vostochny Cosmodrome si ay u xusaan Maalinta Hawada oo ah sannad-guuradii ka soo wareegtay markii cirbxiyeenkii ruushka ee cosmonaut-ka Yuri Gagarin uu noqday bini’aadamkii ugu horreeyay ee dhammeeya hal wareeg oo dhulka ah sannadkii 1961-kii.

Laxidhiidha: Ukraine: Duullaanka Kama Danbaysta Ah Ee Ruushka Oo Putin Ku Macneeyay Dagaal Rasmi Ah

Abaabulka Ruushka ee dhanka Waqooyiga dalka Ukraine, ayaa lagu macneeyay mid khatartiisa leh, Ilaa iyo haatan, ciidamadda Ukraine ayaa si aan la filayn isaga caabiyay duullaanka Ruushka ee hore, waxayna u muuqatay iska waabin naf hurnimo ah, balse waxaa dhici karta in loogu awood sheegto duulaanka xilligan ee bariga dalkaas, maadaama ay xukuumadda Moscow ciidamo badan soo gelisay dagaalka, isla markaana ku hanjabtay in ay adeegsanyaan hub casri ah sida uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Putin.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Ugaadhsanaya Hablaha Uu Dhalay Madaxweyne Putin Iyo Shaqsiyaad Kale

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in ciidamaddooda ay hadda xoogga saari doonaan xorraynta gebi ahaanba deegaamada Donbas oo la isku yidhaahdo gobollada dhanka Barriga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk, iyadoo Madaxweyne Putin duulaanka uu qorshaynayo ku tilmaamay in aannu ahayn hawlgal, sidiii hore ah, balse uu yahay dagaal meesha lagaga saarayo Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com