Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, oo sannadkii hore soo saartay wargeeto lagu midaynayo dirayska Ardayda Dugsiyada ee dalka, ayaa xilligan ku celisay meel marinta wareegtaadaa oo sannadkii hore kasoo baxday xafiiska Wasiirka.

Sidoo kale, wasaaradu waxay ka digtay kala duwanaanta diraysyada Ardayda isku fasalka ah ee dalka, iyadoo caddaysay in dhammaan Ardayda dalka dugsiyada isku heerka ah looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan wareegtada sannad-dugsiyeedkii 2021/2022,, lagu meel mariyay dirayska waxbarasho ee dalka.

Wasaarada, ayaa sidoo kale ku amartay dugisyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay in Ardayda tirada Ardayda fasalka fadhiisanaysa loo baahanyahay in aan laga badin karin tirada fasalka loo qorsheeyay, taas ay wasaaraddu ku tilmaantay in ay tahay dambi, haddii lagu arko tiro ka badan inta loo qoondeeyay oo hal fasal wada fadhiya.

Laxidhiidha: Wasaaradda Waxbarashada Oo Sheegtay In La Fulinayo Go’aanka Dirayska Dugsiyada Ay Ku Bedeshay

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), ayaa si cad u sheegay in aan laga aqbalayn cidda fulinwayda wareegtadii amarka wasiirka ee sanandkii hore 2021, taas oo ujeeddadeedu ahayd in lagu mideeyo dirayska Ardayda dalka,

 “Sannad ka hor waxa soo baxday Wareegto Wasiir oo ka hadlaysay Ardayda dhigta Dugsiyada dalka ee Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare in ay yeeshaan diraysyo kala duwan, waxaana aynu joognaa xiligii Ardayda Somaliland ka sinnaan lahaayeen Dirayskaa. Sidaa awgeed waxaan farayaa maamulayaasha dugsiyada in ay fuliyaan”ayuu yidhi, Agaasime Cabdirisaaq Naakhuude.

Alt:Araweelo News Network
Noocyada Dirayska ee Dugsiyada Somaliland, Image file Araweelo News Network.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Agaasime Cabdirisaaq Naakhuude in Guddoomiyeyaasha Wasaaradda Waxbarashada ee heer Gobal iyo Degmo iyo heer Dugsi  in wareegtadaa sideeda u dhaqangasho oo aan la arag Arday ku fadhiya fasalka diraysyo kala duwan, ayuu yidhi.

“waa in dugsiyada hoose laga wada helo dirayskooda, dugsiyada dhexena dirayskooda, dugsiyada  sarena dirayskooda sharciga ah ee la ogol yahay, ayuu raaciyay hadalkisia, isagoo farriintaa u diraya dhamaan iyo guddoomiyayaasha iyo maamulayaasha.

 “Waxa aynu aragnay Fasal aad u yar oo arday ka tiro badani ay  fadhiyaan, haddii la isla garto in  ay fadhiistaan fasalka  20 Arday, sharci darro ayay noqonaysaa in 21 Arday ay fadhiistaan fasalka, sababtoo ah, waa in nidaamku shaqeeyo”ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdirisaaq Naakhuude.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com