Araweelo News Network.

Ra’iisal Barre Oo Kaddib Furitaanka Shirka Kulan Gaar Ah La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan

Tunis (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee ka socda Tunis, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Yoshimasa Hayashi oo ka mid ah Madaxda ka qaybgashay shirka ka socda Tunis ee Horumarinta Afrika oo dawladda Japan qabato (Tokyo International Conference on African Development), kaas oo noqnaya kulankii siddeed ee #TICAD8..

shirka ka socda Tunis ee Horumarinta Afrika

Lama ogga waxyaabaha ay labada masuul ka wada hadleen ee sida gaarka ah uga yeesheen kulan doceedka, balse war qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in labada masuul ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

“Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi, war qoraalka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee xafiiska ra’iisal wasaaraha
Farxaan Maxamed Jimcaale, balse laguma xusin wax yar oo ka mid ah taageerada Japan ay siiso dawladda Federaalka ee Soomaaliya ee ra’iisal wasaaruhu ka mahacceliyay.

Warka qoraalka ah, ayaa lagu xusay in dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Hayashi u sheegay ra’iisal wasaare Barre in  in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka ganacsi, amni iyo siyaasadeed.

Yoshimasa Hayashi, ayaa intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan dawladda Japan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka, sida lagu xusay qoraalka.

Dhinaca kale, shirka oo uu martigeliyay madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid, ayaa si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa madasha furitaanka shirka Caalmiga ah ee TICAD8, oo ka socda Tunis.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’addaha amniga, bixinta nidaamyada isgaadhsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshaddaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada”. Ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Xidhiidhka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Bulshada, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Dhinaca kale, shirka oo ay dawladda Japan qabto, ayaa noqonaya kii siddeedaad ee (Tokyo International Conference on African Development), waxaana ka qaybgalay Hay’addo Caalami ah iyo kuwo dawli ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com