“Ganacsatadu Waxay Galeen Wax Aannay Garanayn Oo Aan Shaqadooda Ahayn,” Cabdiraxmaan Dheere

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi, ayaan weli si dhab ah u shaacin mawqifkeeda soo jeedinta ganacstada ee la xidhiidha qaabka ay u arkaan in lagu furdaamin karo khilaafka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo tartanka Ururrada Siyaasadda ee dhowaan is diiwaangeliyay.

Laxidhiidha: Ururada Siyaasadda Ee Ku Bahoobay Daladda Oo Manja Xaabiyay Dedaalkii Soo Jeedinta Ganacsatada

Soo jeedinta Ganacstada oo si weyn rayalcaamka Bulshadu ugu riyaaqday, ayaa loo arkayay mid wax weyn ka taraya mushkilada khilaafka soo taxnaa dhawrka bilood ee arrimaha doorashada oo marar dhawr ah ay isku dayeen in laga ergeeyo dhinacyada xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad si xal loogu helo.

Kooxda ganacstada ah, ayaa kulamo ay la yeesheen dhinacyada sida ay sheegeen iyo kaddib kulamadaa latashiyo ay la yeesheen garyaqaano, waxay soo jeediyeen in labada doorasho si isku sidkan loo mideeyo, taas oo ay sheegeen in ay wax weyn ka taray mushkilada dhaqaale iyo dhiig-baxa doorashooyinka xidhiidhsan oo inta baddan muuran iyo khilaaf ka aloosmo.

Ganacsatada, ayaa soo jeedintooda sheegay in loo gudbinayo gollayaasha sharci dejinta si sharciga loo waafajiyo, balse waxa arrintaa durba ku gacan saydhay 13 Urur siyaasadeed oo ka mid ah 15 Urur siyaasadeed oo dhowaan is diiwaangeliyay, wallow xisbiga mucaaradka ee UCID, si weyn usoo dhoweeyay soo jeedinta dhankiisa, iyadoo aannu dhankiisa caddayn mawqifkiisa xisbiga ugu weyn mucaaardka ee WADDANI.

Laxidhiidha: Ganacsatada Ku Jirtay Xalinta Khilaafka Siyaasadda Oo Xalka Ku Middeeyay Doorashooyinka

Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi, ayaan weli mawqifkeeda ku waajahan soo jeedinta ganacsatada ka hadlin, wallow kooxda ganacsatada ah ee soo jeedinta soo bandhigay sheegeen in ay kulamio la yeesheen dhinacyada ka hor intii aannay shaacin arrintaa oo ay ku tilmaameen mid xal u noqonay murranka iyo khilaafka soo jitamay ee ka taagnaa arrimaha doorashooyinka iyo xiisaddaha ka dhashay ee gil-gilay deganaanshaha iyo amniga dalka.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Caalin oo ka mid ahaa gollihii hore ee Wakiillada Somaliland, isla markaana ah saraal ka tirsan xisbiga KULMIYE ee muxaafidka, ayaa si weyn u dhaliilay soo jeedinta ganacsatada, isagoo ku tilmaamay in ay galeen wax aannay garanayn.

Cabdiraxmaan Caalin, oo maanta warbaahinta qaarkeed la hadlay, wuxuu ku dooday in arrintaasi tahay mid aan meelna loogu nisbayn karin shuruucda iyo qaanuunka dalka, isagoo tilmaamay in dastuurka aannay ku qornayn in laba doorasho lays raaciyo, sidaa darteed wuuxuu ku macneeyay soo jeedinta mid aan lop baahnayn oo aan ka suurta gelayn Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com