Araweelo News Network.

Washington(ANN)- Laba markab oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa socod dhoolatus ah ku maray marinka Taiwan oo xiisad weyni ka taaganayd toddobaadyadii u danbeeyay.

Waa safarkii ugu horeeyay tan iyo markii Shiinuhu uu dhoolatuskii Millateri ee abid ugu ballaadhnaa ka sameeyay agagaarka Taiwan, kaddib markii afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi ay booqatay jasiiradda iskeed isu maamusho horaantii bishan August.

Markabka Ticonderoga-class-conderoga-class cruisers  ee xanbaarsan gantaalaha (USS Antietam) iyo USS Chancellorsville, ayaa socodka ay halkaa ku mareen lagu macneeyay inuu ahaa mid caadiga ah Axaddii.

Xukuumadda Washington, ayaa sheegtay in dhoolatuska noocaan oo kale ah uu qaadanayo 8 ilaa 12 saacadood in lasoo gebagebeeyo, “waxaan  si weyn isha ugu haynaa ciidamada Shiinaha.” Ayay leeyiihiin saraakiisha hoggaaminaya labada markab, iyagoo xusay in ay labada Markab oo marayey biyaha halkaas ay ujeedadoodu tahay sidii loo muujin lahaa xoriyada Badda sare iyo dhanka duulista, taas oo ay sheegeen in ay tahay mid waafaqsan sharciga caalamiga ah,” sidaa waxa lagu yidhi, bayaan kasoo baxay Axaddii Fleet 7th US.

khilaaf u dhexeeya Washington iyo Beijing, ayaa sii xoogaystay tan iyo booqashadii Pelosi ee Taiwan horraantii August 2022, balse Shiinaha ayaa aad uga cadhooday booqashada haweenaydaa oo noqtay masuulkii u sareeyay ee Maraykan ah ee booqda Taiwan.

Arrintaa ayaa sababtay in dhoolatus cirka iyo Badda ah ku sameeyay Shiinuhu suuqyada uu sheeganayo in uu ka mid yahay dhulkeeda ee marinadaa oo ah kuwo dundu u aqoonsantahay in ay yihiin kuwo caalami ah.

Xiisadda ayaa sidoo kale saamayn weyn ku leh jasiirad uu sheegto dalka Japan , taas oo 108 kilomitir u jirta Taiwan, iyadoo Japan ay soo dhoobtay biyaha ka ag dhow maraakiibta dagaalka.

 Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa bayaankooda ku sheegay in safarka uu muujinayo sida ay uga go’an Maraykanka in la helo Indo-Pacific oo xor ah oo furan.

Xidhiidh caalami ah oo dublamaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan dunida, laakiin waxa uu isku xidho oo aan toos ahayn la hoos dhigay Maraykanka ee aanu ahayn ee Taiwan.

 Washington waxay sidoo kale taageertaa xaqa gobolka ee Taiwan ay u leedahay inay go’aansato mustaqbalkeeda iyo is muujinteeda oo ah mid Millateri oo la taaban karo.

Taipei. Mareyanka iyo xulafada reer galbeedka ayaa sare u qaaday amaanka marinada, kuwaas oo xornimadooda laga soo saaray bayaano kasoo baxay xukuumadda Washington, iyadoo xilligana dhinaca badda labada marine ee Taiwan iyo Koonfurta Shiinaha si ay u xoojiyaan fikradda ah in baddahaasi ay leeyihiin marin biyood caalami ah, taasoo ka cadheysiisay Beijing.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com