Araweelo News Network.

Taiz(ANN)-Dagaalka Yemen ee socday toddobada sannadood, ayaa sababay in maleeshiyaadka Xuuthiyiintu weerar xoogan ku qaadaan deegaanka Al-Dhabab ee dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tai zoo go’doon ku jirtay muddo toddoba sannadood ah.

Dagaalka oo bllaabmay shalay maqribkii, ayaa socday ilaa waabarigii maanta oo isniin ah, iyadoo xuutiyiintu isku dayaya in ay maamulaan deegaanka si ay u gooyaan halbowlaha keliya ee isku xidha magaalada Taiz oo xarunta was-soo-saarka dalka Yemen iyo gobolka Cadan.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 10 askari iyo dhaawaca 7 kale, wuxuuna kusoo beegmay xilli dadaallada beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay diiradda saarayaan taaba gelinta iyo ballaadhinta xabbad-joojinta bini’aadantinimo iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallada siyaasadeed iyo in nabad laga gaadhodagaalka daba dheeraaday ee dalka Yemen.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda maqaar-saarka ah ee dalka Yemen, ayaa ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Yemen ee Saba in dowladdu weerarkaa u aragto mid caqabad ku ah dhammaan hindisayaasha iyo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka iyo in nabad lagu gaadho, sidoo kale, waxay ku tilmaantay inuu weerarku yahay isku day lagu wiiqayo dadaallada kordhinta iyo balaadhinta xabad joojinta.

“Ujeedada weerarku waa in go’doomin lagu sameeyo magaalada Taiz oo hore u go’doonsanayd muddo 7 sano ah, iskana diiday maleeshiyada, iyadoo dadka Taiz aannay ogolayn in maleeshiyaadka Xuuthiyiintu ay sii wadaan xadgudubyada, fara gelinta iyo ka faa’iidaysiga xabad joojinta iyo ballanqaadka dhinaca dawladda ee ah in la fuliyo shuruudaha ciidamada si loo gaadho hadafyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed, isla markaana meesha ka saaraysa doorashada iyo rabitaanka shacabka Yemen ee nabadda. iyo xasiloonida, maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaana qaadaya cawaaqib xumada arrintaasi ka dhalata, ayaa lagu yidhi, qoraalka ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Saba.

Warku waxa uu intaa ku daray, “Iyadoo ay sii kordhayso khatartani, dawladdu waxay ugu baaqaysaa ergeyga caalamiga ah inuu la wareego mas’uuliyadiisa oo uu cambaareeyo falalkan dambiyada ah iyo kuwa sii hurinaya ee kooxda Xuutiyiinta ee Taiz, gaar ahaan marka la eego joogitaanka kooxda millateriga Caasimadda Urdun ee ay hoos tagtaan, si ay uga wadahadlaan xaqiijinta u hoggaansanaanta xabbad joojinta iyo ka hortagga xad-gudubyada milliteriga ee hubka.”

Dawladda Yemen, ayaa sidoo kale, ugu baaqday beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran shuruucda caalamiga ah iyo axdiga caalamiga ah ee qaramada midoobay. Dalka Yemen, waxaa dagaalo lagu huubtay ka socdeen muddo toddoba sannadood ah, waxaana ka dhashay masiibooyin bini’aadanimo iyo burbur naf iyo maalba ah, iyadoo duqaymaha xulufada Sacuudiga weerada ay ku qaadeen dalkaa lagu burburiyay gebi ahaan adeegyada asaasiga ah, isla markaana duulaanka iyo duqaymaha ay ku dhinteen kumanaan shacab ah oo u baddan caruur iyo haween aan waxba galabsan, waxaana meesha ka baxay dedaalo la doonayay in marar baddan xal loogu helo dagaalka, ,kuwaas oo dhammaantood fashilmay, markii la waayay heshiis nabadeed oo dhinacyadu raali ku yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com