Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Ethiopia, ayaa mar kale dib ugu laabatay dagaalkii November 2020, sida weyn loogu hoobtay ee u dhexeeyay maamulka TPLF ee Tigray iyo xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, kaddib xabad joojin labada dhinac ku heshiiyeen oo muddo shan bilood ahayd oo meesha ka baxaday toddobaadkan.

Waxa jira warar sheegaya in Tigray mar kale duulaan kusoo qaadeen deegaamo ay Amxaaradu deganaayeen, balse Afhayeen u hadlay ciidamada gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa beeniyay war sheegaya in ciidamada Tigray ay qabsadeen magaalo ku taal gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada.

Dagaalka soo cusboonaaday ayaa todobaadkii hore dhex maray Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray iyo dawladda Ethiopia kaddib shan bilood oo ay ay ku jireen xabad joojin.

Sababta xilligan uu dagaalku dib uga cusboonaaday TPLF iyo Xukuumadda Federaalka, ayaa lagu tilmaamay mid ka dhalatay, kaddib markii Diyaaraddaha Millateriga ee dawladda Federaalka ay duqayn ka geysteen guddaha magaalada Makelle ee xarunta Tirgay.

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarka cirka ah oo sida la sheegay ka dhacay xarun xannaano oo ku taal dhanka waqooyiga gobolka Tigray ee Ethiopia, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.

“UNICEF waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka cirka ah ee ka dhacay magaalada Mekelle, ee caasimadda Gobolka Tigray ee Ethiopia,” sidaa waxa tidhi, agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell oo bayaan soo saartayJimcihii.

Habeenimadii Axadda qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa sheegay in kooxda TPLF ay gudaha u gashay magaalada Weldiya ee gobolka Axmaarada, balse saraakiisha Tigray ayaa sheegay Isniintii in aannay arrintaasi jirin in ciidamada Tigray weli soo gelin magaalada Waldiya ee ka tirsan deegaanka Amxaarada, sida uu sheegay Getachew Reda.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo caan ku noqday dagaalka ku dhowaad laba sannadood u dhexeeyay Tigray iyo xukuumadda Federaalka ee Ethiopia ee soo bilaabmay November 2020, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka ku hadla afka Tigray, wuxuu ku sharaxay sababaha xilligan dib loogu bilaabay collaada, iyadoo ay deegaanka ka jirto macaluul baahsan oo ku habsatay deegaanka Tigray, isla markanaa ay jirtay xabad joojin iyo in ay labada dhinac saxeexaan heshiis nabadeed.

 Afhayeenka TPLF, waxaa uu sheegay inay mar walba diyaar u yihiin in colaadda wadahadal nabadeed lagu soo afjaro, isla markaana uu aaminsan yahay in maalin miiska wadahadalka la isugu imaan doono.

Maxaan ubadkeenna u waayeynaa? Annaga ayuu khasaare baddan na soo gaadhay, waanu dhimannay, waxyeello baddan baa na soo gaadhay. Hantidii dalka Ethiopia uu lahaa oo dhanna si hal qof loo raalligeliyo, ganacsato koobanna danahooda loogu fuliyo ayay shacabka Tigray wajaheen dhibaato ayna mudneyn,” ayuu yidhi Getachew.

Dhinaca kale, wuxuu Afhayeenka TPLF, Getachew ka digay qowmiyaddaha kale ee dalka Ethiopia, wuxuuna ugu baaqay in aannay qeyb ka noqon dagaalka ka socdo waqooyiga dalka, isagoo si gaar ah ugu jiheeyay baaqa qowmiyada Soomaalida ee Ethiopia.

“Walqayta Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeralayda Amxaarada goorma ayay Walqayta yeesheen kana faa’ideysteen? Sidaa awgeed ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhintaan,” ayuu yidhi Getachew Reda.

Wuxuu sheegay dadaalka ay ugu jiraan ‘sidii ay aayahooda ugu halgami lahaayeen, isagoo yidhi, “xabbadda ay TPLF ridayaan ma kala garanayso Soomaali, Amxaara, ama cid kale, waxayna qofka kaga dhacaysaa wejiga.” Ayuu yidhi, isagoo uga digaya dhlinyarada Soomaalida in aan la khaldin.

“Maxaan ubadkeenna u waayeynaa? Annaga ayuu khasaare badan na soo gaadhay, waanu dhimannay, waxyeello badan baa na soo gaadhay. Hantidii dalka Ethiopia lahaa oo dhanna si hal qof loo raalligeliyo, ganacsato koobanna danahooda loogu fuliyo ayay shacabka Tigray wajaheen dhibaato ayna mudneyn,” ayuu yidhi Getachew.

 “Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo warbixin ka soo saartay xaaladda macluul ee deegaanka ka jirta waxay ku sheegtay 89% shacabka Tigray inay xaalad macluul ah ku jiraan oo maalintii hal mar ka badan wax ay cunaan ayna haysan,” ayuu raaciyay Reda

Ilaa hadda, dagaalka dib u soo cusboonaaday ayaa xaruntiisu tahay agagaarka magaalada Kobo oo dhanka waqooyi, waxayna dhaqdhaqaaq kasta oo ay kooxda TPLF ka fuliso koofurta fog noqonaysaa mid qeylo dhaan u diraysa dawlada dhexe.

Weldiya waxay ku fadhidaa in ka badan 300 kiiloomitir Addis Ababa waana meel istaraatiiji ah oo ku taal wadada koonfurta ka baxda ee ka timaada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ilaa Addis Ababa, sidaa awgeed waxay leedahay ahmiyad weyn oo istiraatiiji ah.

Sannadkii hore ayay kooxda TPLF soo gashay meel 200 oo kilomitir u jirta Addis Ababa oo ah caasiamadda dalka Ethiopia, kaddib markii ay isla dariiqaa ka qabsadeen magaalada Dessie.

Ethiopia iyo kooxda TPLF ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu masuul ka yahay isku dhacyadii dib usoo cusboonaysiiyay dagaalka ee todobaadkii hore soo afjaray xabad joojin shan bilood ah oo ka jirtay dagaaladii sokeeye ee Ethiopia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com