Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Koox Ganacsato ah oo muddooyinka ku hawlanaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururrada iyo axsaabta, ayaa soo saaray xalka iyo sida looga gudbayo mushkilada khilaafka siyaasiga ah.

Ganacsatada, ayaa kulamo ay la yeesheen dhinacyada kaddib waxay soo saareen maanta soo jeedinta ay xalka u arkaan oo loo gudbinayo gollayaasha sharciga si loo waafajiyo shuruucda iyo xeerarka dalka.

Qodobada soo jeedinta ayay marka hore ku taliyeen in ay xal u arkaan in doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururrada lay raaciyo ooh al mar laysku qabto.

Go’aamadda cusub ee ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay kasoo saareen war-murtiyeed waxay ku socodsiiyeen hay’addaha ay khusayso, waxay ku yidhaahdeen war-murtiyeedkooda sidan:

Ku: Shirguddoonka Golaha Guurtida;

Ku: Shirguddoonka Golaha Wakiillada;

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

25/8/2022

Talo soojeedin ku saabsan doorashooyinka

Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta.

1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha baddan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Kommishanka Doorashooyinka Qaranka.

2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyadda iyo ururada/xisbiyada.

Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa:

• Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan.

• Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood ee kastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awooddi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto.

Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’addaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan.

Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.

Allaa Mahad Leh

Xaaji Aadan Axmed Diiriye

Cabdirashiid Maxamed Siciid

Cabdikariim Maxamed Iid

Ismaaciil Ibrahim Axmed

Maxamed Shukri Jaamac

Cabdillaahi Carab Ismaaciil.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com