“Xukuumaddu waa inay khaladkeeda qaadato, maaha in ay khalad khalad ku saxdo, xidha, dila iyo ficiltan Somaliland kuma dhismayso” Xoghayaha WADDANI

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaadib muddaharaad ka dhashay dilka 23 August 2022, loo geystay Maayarkii Magaalada Ceeryaan ee Koonfurta Ceergaabo Allah ha u naxariistee Jaamac Xuseen Maxamed oo Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdeber) amar ku bixiyay in la dilo, sida ay sheegeen waayeelka goobta joogay markii dilku dhacay.

Muddaharaadayaal gedoodsan oo ka cadhooday falka toogashada xaqdarada ah ee marxuumka, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magalaada Ceergaabo maalintii shalay, kuwaas oo xukuumadda ugu baaqay in aannay aqbalayn in la aaso marxuumka ilaa sharciga ka mariyo ciddii amartay dilkaa iyo ciddii fulisay, waxaana ka dhashay muddaharaadkaa dhaawacyo soo gaadhay ugu yaraan laba qof, kaddib markii ciidanka Boolisku tacshiirado rasaas ah ku fureen.

Laxidhiidha: Shacbiga Ceergaabo Oo Ka Gedooday Dilka Maayarkii Ceeryaan

Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aan la aqbali karin, iyagoo sheegay in Somaliland ay kusoo baddatay in dadka shacabka ah layska dilo, iyadoo aan sharciga la marrin kuwa dilalka geysta.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin waxa arrinta dilka muwaadinka loo geystay deegaanka Ceeryaan, waa arrin ayaandaro ah, ayuu yidhi, isagoo sheegay in ay ka tacsiyaynayaan qoyskii iyo ehelkii marxuumka la dilay, isagana Allah uga baryayaan inuu naxariistiisa ugu deeqo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay aad uga xunyihiin rabshadaha ka dhashay dilka muwaadinkaa iyo dadkii ku dhaawacmay muddaharaadka ay sameeyeen dadkii ka cadhaysnaa dilka marxuumka.

“Maanta waxaad moodaa in ciidanka, amma dawladu ku dhiiranay in dadka layska laayo, waad ogaydeen 11 August dadkii lagu dilay Hargeysa, maantana Ceergaabo waad aragtaan dilaa Ceeryaan, hore Ceergaabo cidbaa loogu dilay, Burcona horaa loogu dilay, waad haqan cusub oo Somaliland dhibaato u horseedaya in si fudud dadka loo dilo oo xabad loogu dhufto.” Ayuu yidhi.

 Xoghaye Khadar, wuxuu usoo jeediyay xukuumadda in aannay dadka xabad iyo xoog aannay isku hortaagi karayn, “Khalad kasta oo xukuumaddu gasho, hadday khalad kusii saxdo, waxa ka imanaya ceeb iyo dhibaato, waa inay xukuumaddu khaladkeeda qaadato, cidda khaladka samaysayna waa in ay tallaabo ka qaado. waa in la mariyo dariiqi sharciga ahaa ee Somliland weligeed marin jirtay cidda wax disha.” Ayuu yidhi.

Dadweynaha Magaalada Ceergaabo ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan oo nabadda ilaaliyaan, wuxuuna usoo jeediyay haddii ay muddaharaadayaan in aannu noqon mid wax yeelanaya nabadgelyada Magaalada.

“Ummddaha Burburaya waxa lagu gartaa dariiqa aynu maanta hayno, waa mid khatartiisa leh, waa dariiqaa dadkii xukunka hayay ay dheggaha xidhanayaan, waa dariiqa ciddii juuq tidhaahda xidhaya, ee jeelasha miciinka bidday ee xabadda sida fudud u ridaya, waxaan leenahay dariiqaasi meel xun ayuu innagu wadaa horena waanu u sheegnay.” Ayuu yidhi, Xoghayaha Xisbiga WADDANI.

“Somaliland kuma dhisamayso dadka oo xabad lala dhaco oo layska xidh xidho iyo ficiltan, waxay ku dhismaysaa,  iyadoo la ilaaliyo midnimadeeda iyo wada jirkeeda, Madaxweyne Muuse waxaan leenahay waxaa aad maanta samaynay waa wixii aad shalay ka hadlaysay ee Kitaabkaagii dib u akhri, ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com