Araweelo News Network.

Kalsheekh(ANN)-Maydka Marxuumkii Maayarka Ceeryaan Jaamac Xuseen Maxamed (Jamaac Xsueen Toor), ayaa maanta lagu aasay magaalada Kalsheekh ee Degmada Ceelafweyn, kaddib markii Mayka oo ku jiray Qaboojiyaha Cusbaalta Ceergaabo ehelada uu kasoo jeeda dalbadeen in uu cadaalad helo, balse xukuumaddu dheggaha ka furaysatay.

Laxidhiidha; Shacbiga Ceergaabo Oo Ka Gedooday Dilka Maayarkii Ceeryaan

Marxuumka ayaa maydkiisa laga soo gelbiyay Magaalada Ceergaabo, waxaana aaskisa ka qaybaglay dadweyne ka kala yimi deegaamada gobolka Sanaag, Togdheer iyo Saaxil.

Laxidhiidha Dariiqani Waa Ka Lagu Garto Ummaddaha Burburaya, Dilka Ceergaabo Ciddii Geystay Waa In Sharciga La Mariyaa, Xukuumaddu,,,,” Xisbiga WADDANI

Cuqaasha, waxgaradka, culimada, aqoonyahanka iyo dhalinyarada ka qaygalay aaska Marxuum Jaamac Xuseen Maxamed ayaa sheegay sida ay uga xunyihiin qaabka shirqoolka ah ee masuuliyiinta xukuumaddu u dileen marxuumka, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu cadaalad helo marxuumka lla dilay.

Dhammaan dadka ka hadlay dilkaa ayaa si isku mid ah farrin ugu diray Madaxweyne Biixi, waxayna ku baaqeen in maxkamad cadaalad ah loo geeyo guddida nabadgelyda gobolka oo qayb ka ahaa shirqoolka lagu dilay marxuumka.

Muuqaalkan ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com